
Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wareegto uu soo saarey ugu magacaabay Md. Cabdirisaaq Cismaan Xasan “Juurile” Lataliyaha Sare ee dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowlad wanaagga.
Madaxweynaha ayaa magacaabistan u cuskadey sida uu wareegtada ku xusay in Prof. Cabdirisaaq Juurile uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka dowladnimada Soomaaliyeed, duruufaha ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib u dhiska qaranka iyo aragtida dawladda federaalka ee ku aadan daadajinta xukunka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha Sare ee dimuqraadiyeynta iyo dowlad wanaagga, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego dalka,diinta iyo dadka.
Lataliye Prof. Cabdirisaaq Cismaan “Juurile” ayaa horey u soo qabtay xilal wasiirnimo oo heer federaal ah sida wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga sannadihii 2004-2009, wasiirka boostada iyo isgaarsiinta sanadihii 2009-2011, waxa uuna kasoo mid noqday labada Aqal ee Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya, isagoo sidoo kalena kasoo shaqeeyey arrimaha horumarinta dowladdnimada iyo bulshada.
Maxamed Cumar Sheekh Aadan
WardheerNews, Muqdisho.
