Madaxweyne Xasan oo socdaalkiisii u horreeyey ugu ambabaxay dalka Imaaraatka Carabta

Muqdisho, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa safar muddo 2 maalin qaadan doona ugu ambabaxay dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, ka dib martiqaad rasmi ah uu ka helay madaxda dalkaas sida lagu sheegay war kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinaya xildhibaanno labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, waxaana madaxweynaha muddada Imaaraatka uu joogo kulamo la qaadan doonaa dhiggiisa Imaaraatka Maxamed Bin Zayed iyo masuuliyiin kale .

Ujeeddada socdaalka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay mid lagu hagaajinayo xiriirka labada dal oo xilligii maamulkii Farmaajo aad u xumaadey iyo sidoo kale in sare loo qaado iskaashiga labada dal ka dhaxeeya.

Socdaalka  Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay Imaaraatka ayaa noqonayo safarkii u horreeyey ee dalka dibaddiisa uu ku aado, waxaana ay taasi muujinaysaa ahmiyadda dawladda Sheekh ay siinayso dib u hagaajina xiriiradii diblomaasiyadeed ee dawladdii isaga horreysey ee Farmaajo ay jartey.

Maxamed Cuamar Adan

Wardheernews, Muqdisho