Muqdisho (WDN)- Waxaa magaalada Muqdisho maanta oo ku beegan Diseembar 20-kada ka qabsoomay xuska sannad guurada 79-aad ee aas-aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo hormuud u ah sugida amniga shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo ku aadan munaasabada xuska u diray ciidanka Booliska Soomaaliyeed, saraakiisha, saraakiil xigeennada, aliflayda, dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.
Md. Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin xaqiijinta amniga dalka, nabadeynta iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in markasta ay naftooda u huraan ciidda iyo calanka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmey in ay ku garab istaagaan ciidankeenna geesiyaasha gudashada waajibaadkooda qaran, gaar ahaan xilligaam oo dalku ku jiro dagaal aad u xoogan oo ka dhan ah argagixisada Alshabaab oo ummadda Soomaaliyeed gumaad ku haya.u
Munaasabad ballaaran oo lagu weynaynayo maalintii la aas aasay ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha ugu sareysa dawladda federaalka, ayaa maanta lagu dhigey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Taasi oo lagu soo bandhigey waxqabadka iyo nafhurinimada ciidamada booliska Soomaaliyeed.
Bahda Wardheernews ayaa sidoo kale waxa ay u hambalyeynaysaa dhamaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, munaasabadda aas aaska ciidamada booliska Soomaaliyeed.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply