
Jigjiga, Magaalada jigjiga ee xarunta deegaalka Soomaalida ayaa maanta ku waaberiisatay jawi siyaasaddeed oo kacsan iyadoo dariiqyada magaalada lagu arkayay ciidamada ammaanka ee booliiska gaarka ah (liyou police) oo dhex wareegaya.
Arrintan ayaaa ka danbaysay kadib xilkaqaadis lagu sameeyay qaar kamida mas’uuliyiinta ugu sarraysa degaanka.
Afartan iyo siddeedii saac ee u danbaysay waxaa xilka qaadis lagu sameeyay saddex mas’uul oo kala ah 1. Md. Cabdi Caadil, hoggaaankii nabadgelyada ahaana xubin guddi fulin. 2. Md. Cabdulaahi Gisile maareeyihii Kulliyadda Tababarka Macallimiinta ahna xubin Gole Dhexe iyo Md Cabdiqaadir Bisle oo ahaa madaxii habmaasuuska ee Madaxweyne Mustafee Cumar.
Xilkaqaadista masuuliyiinta ayaa salka ku haysa khilaaf iyo ismaandhaaf siyaasaddeed oo u dhexeeya mas’uuliyiinta ugu saraysa Degaanka Soomaalida.

Docda kale mas’uuliyiinta xilka laga qaaday ayaa lagu eedeynayaa in ay sameeyeen isku day ay rabeen in ay xilka kaga qaadaan Madaxweyne Mustafe Cumar.
Subaxnimadii saaka ayaa waxaa si kumeel-gaadha loogu magacaabay xilka hoggaanka Nabadgalyada Md Cabdullaahi Dheere oo isagu hore u ahaa ku xigeenka hoggaanka nabadgelyada.
Wararku waxay intaa ku darayaan in ciidan ka amar qaadanaya madaxweyne Mustafe Cumar ay la wareegeen xafiiskii hoggaanka nabadgelyada iyagoo gabi ahaanba xafiiska laga qaaday ciidankii hore ee ilaalada xafiiska. Sidoo kale waxaa laga qaaday ciidankii ilaalada hoggaanka iyadoo la sheegayo in qaarkood jidh-dil loo gaystay.
Mudane Cabdi Caadil ayaa wararku sheegayaan in la geliyay xabsi-guri iyadoo horena xabsiga loo dhigay mudane Cabdiqaadir Bisle.
Xilka qaadista hoggaanka nabadgalyada ayaa ah mid ay ku kala qaybsameen xubnaha guddiga fulinta. Sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaala shabakadda WDN, koox u hoggaaminayo mudane Aadan Faarax, madaxweyne ku xigeenka degaanka ayaa ku gacan saydhay go’aanka xilka qaadista ee madaxweyne Mustafe sameeyay iyagoo ku tilmaamay mid sharcidarro ah oo baalmarsan xeer hoosaadka xisbiga.
Inkasta oo uu degganyahay jawiga magaalada jijiga haddana waxaa laga dareemayaa ismaandhaaf siyaasaddeed oo u dhaxeeya madaxda u saraysa Degaanka Soomaalida.
Khilaafyada noocan ah oo inta badan ka dhaca Deegaanka Soomaalida ayaa ah aalaaba kuwo xalkooda laga raadiyo magaalada Addis Ababa iyadoo mar walbana ay gacanta sare yeelato cidda ay dhabarka ka taabato xukuumadda ka arrimisa Addis Ababa oo iyadu dhab ahaan ah ta talada deegaanku ka go’do.
WardheerNews, Jigjiga.