Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo oo uga mahadceliyey Golaha Shacabka fulinta codsigiisii ku aaddanaa Matalaadda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir

Muqdisho, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo fulinta codsiigii Madaxweyne ee ku aaddanaa xaqiijinta Mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, taas oo uu ku soo jeediyey furitaankii Kal-fadhigii 7aad ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda go’aankan taariikhiga ah oo aan horey loogu dhiirran, in uu ku yimid dadaal wadajr ah oo ay muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta ay ka go’an tahay in la sii amba-qaado hannaanka dimuqraadiyadda loo dhan yahay ee dalka.

“Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeen dareenka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan rajada bulshada Caasimadda. Waa guul weyn in Muqdisho ay hesho qoondo ku saabsan matalaad Aqalka Sare, waayo waa caasimaddii Qaranka, waa astaanta dowladnimadeena, waana muraayaddii dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka codsaday Xildhibaanada sharafta leh iyo Guddiyada dib-u-eegista dastuurka inay ka shaqeeyaan sidii maqaamka Caasimadda u noqon lahaa mid cad inta lagu gudo jiro muddo xileedka Golayaasha Sharci-dejinta.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka Sare oo maanta ay ansixiyeen Golaha Shacabku ay noqoto mid adkeysa dowladnimadeenna taabo galka ah iyo dib u dhiska dalkeenna.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.