Madaxweyne Farmaajo oo Sharci daro ku tilmaamey doorashooyinka Ceelwaaq

Muqdisho (WDN)- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa lagu sheegay in doorashoooyinka isbarbarsocda ee ka bilowdey Ceelwaaq iyo Garbahaarey ay yihiin kuwo sharci daro ah oo aan la aqbali doonin natiijada kasoo baxda, iska markaana xildhibaanada halkaas lagu soo doorto aanay ka qeybgeli doono doorashada guddoonka labada aqal ee gollaha shacabka iyo tan madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa wareegtadiisa ku tilmaamay in doorashada 16-ka kursi ee gobolka Gedo ay baalmareyso

–          Sharciga Jiheynta Doorashooyinka Dadban ee ay Ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya

–          Heshiiskii madaxda dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyadu gaareen 17-dii Sep 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay kala saxiixeen xubnaha wadatashiga Qaran 1-da Oct 2020 iyo 27-dii May 2021

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in arrintaan si  xal looga gaaro ay muhiim tahay in kulan degdeg ah ay isugu yimaadaan xubnaha madasha wadatashiga qaran,loona baahanyahay in  heshiis siyaasadeed oo wadda ogol ah laga gaaro.

Madaxweyna Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu so warmayaa in uu tegay magaaalada Ceelwaaq, ka gadaal warqada ka soo baxday Md. Farmaajo. Isaga oo halkaasi kula kumay siyaasiyiinta iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada.

Dhanka kale magaalada Ceelweeq ee gobolka Gedo oo ay horey gaareen masuuliyiinta guddiyada doorashooyinka  Federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxaa wadaa doorashada 16-ka kursi ee in muddo ahba khilaafku ka taagnaa.

Wasiirka waxbarashada Cabdullahi Abukar Xaajii (Carab) ayaa markale ka mid noqdey xildhibaanada Golaha Shacabka.  Wasiirka ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP 119 ,ka dib markii uu tanaasuley musharixii la tartamayey C/Casiis Cabdullahi Ibraahim.

Mohamed Omar Aden
Wardheernews, Muqdisho