Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaalanka Musuqmaasuqa

Muqdisho,: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay Sharciga Dhismaha Guddiyada Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Farmaajo oo Saxiixay Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaalanka Musuqmaasuqa

Madaxweynaha ayaa tilmaamay dhibaatada uu musuqmaasuqu ku hayo dowladnimada iyo horumarka dalka, isaga oo xusay in sharcigani uu horseedayo dhismaha Guddiyada Madaxa-bannaan ee La Dagaalanka Musuqmaasuqa, kuwaas oo u xilsaaran ka hortagga iyo xakamaynta musuqmaasuqa.

“Musuqmaasuqu waa cudur kansarka ka daran. Maxaa yeelay kansarku qof qura ayuu dilaa, laakiin musuqmaasuqu bulshada oo dhan ayuu dilaa. Waxaan rajaynaynaa in xubnaha Guddiyadan la soo xulayo ay noqdaan dad ku tilmaaman dhaqan wanaagsan, diin iyo waddaniyad.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Golaha Wasiirrada, Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan dadkii qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay doorkii ay ku lahaayeen tifaftirka iyo dhammaystirka Sharciga.

“Dowlad wanaaggu waa wax dowladda laga rabo, waa nagu waajib in aan hagaajinno heerarka kale duwan ee Dowladda. Waa xaqiiq in hal mar aan la wada sixi karin wax walba, maadaama dalku muddo dheer burbursanaa oo ay abuurmeen dhaqanno xun, marka in dhaqankaas iyo hab-fekerka bulshada la beddelo ayaan rabnaa”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu danbayntii munaasabadda ku saxiixay Sharciga Dhismaha Guddiyada La Dagaalanka Musuqmaasuqa ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo ku salaysan qodobka 111-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.