Wednesday, May 01, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo oo Garoonka Ciyaaraha Banaadir ugu magac daray Inj. Yariisow

Muqdisho- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in Garoonka Ciyaaraha ee Banaadir loogu magac daray Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho, Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj.Yariisow), taas oo maamuus iyo xasuusin u ah doorkii waddaninimada ahaa ee uu ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta Caasimadda.

Garoonka Eng Yariisow

Madaxweynaha oo kumannaan shacab ah kala qayb galay isu-soo-bax xus iyo duco ah oo loo sameeyay halyeeyadii ku shahiiday qaraxii argagixisanimo ee Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed aysan ka weecanayn dagaalka ay kula jiraan argagixisada tan iyo inta ay ka xorreynayaan dalka oo dhan.

“Dagaalka argagixisadu waxa uu soo socday muddo dheer, hadda waxa ay kaga soo hartay in ay is qarxiyaan markii ay u babac dhigi waayeen ciidamadeena geesiyaasha ah. Waa in aan adkaynno amnigeenna iyo wadashaqaynteenna, cadawgana aan ugu tagno meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa si qoto-dheer uga hadlay taariikh nololeedkii Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow), waxa uuna sheegay in uu ahaa shakhsi dowladnimo jecel oo mar kasta ka shaqeynayay danta dalka.

M/Weyne Farmaajo

“Alle ha u naxariistee Inj. Yariisow dhammaanteen waan ognahay halgankiisii dowladnimada, waxa uu ahaa shaqsi ay dowladnimadu ku weyn tahay, dowlad yaqaan ah oo jecel in dadkiisa iyo dalkiisa uu ugu adeego si waddaniyad leh, naxariis badan, ammaano leh, kana fogaa qabyaaladda.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ubax dhigay taallo-xuseedka Garoonka Ciyaaraha ee Inj.Yariisow, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Taliyeyaasha Ciidamada iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.