Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle & Koonfur-Galbeed

Muqdisho; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo soo gaaray Caasimadda, iyada oo ay ka soo qeyb galeen Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Farmaajo oo casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha iyo masuuliyiintan heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo in wadajir loogu sii amba-qaado dadaallada dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoreynta deegaannada ay argagixisadu Alshabaab ku dhibaateeyaan shacabkeenna.

Dhammaan Madaxda Qaranka ee caawa kulankan yeeshay ayaa isla qiray muhiimadda wadashaqeynta masuuliyiinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo ilaalinta danta guudi ay u leedahay xaqiijinta himilooyinka shacabkeenna Soomaaliyeed ee ku hamminaya dib u soo celinta maqaamkii dalkeennu uu ka lahaa caalamka.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.