Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf soodhaweyn ah u sameeyey Golaha Amniga Qaranka

Muqdisho,  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa casho sharaf soodhaweyn ah waxa uu Madaxtooyada ugu sameeyey Golaha Amniga Qaranka.
Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo maanta iyo shalay soo gaaray Muqdisho, ayaa u yimid ka qeybgelitaanka Shirka Amniga Qaranka oo berri furmi doona.
Casho sharafta waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Muudeey, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, lataliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Amniga iyo Sidoo kale Taliyaasha Ciidamada qalabka sida, Nabad-sugidda iyo Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee golahan Xubnaha ka ah.
-DHAMMAAD-
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed 
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Xafiiska Madaxweynaha JFS 
E-mail: [email protected]

We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.