Madaxweyne Farmaajo: Damaashaadka kadib

Madaxweyne Farmaajo: Damaashaadka kadib

Muqdishu (WDN) – Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in uu horgeeyo golaha Baarlamaanka Soomaaliya maalinta Arbacada ee bishan Maarso 1, 2017, Ra’iisal wasaaraha uu dhawaanta magacaabay Md. Xasan Kheyre.

Md. Xasan Kheyre

Madaxweyne Farmaajo oo si aad ah loo soo dhaweeyay doorashadiisa, ayaa dad badani aynan ku qancin magacaabista Xasan Kheyre in uu noqdo ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyaga oo cuskanaya eedeymo ay Qaramada Midoobay ku soo oogtay oo la xidhiidha musuqmaasuq. Kuwaasi oo ka gadaal baaritaano lagu sheegay in aan la xaqiijin. Waxa kale oo jira warar sheegaya eedeymo ah in Xasan Kheyre uu aad ugu dhawaa Madaxweynihii hore Md. Xasan Sheekh.

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in qorshayaashiisa wax qabad uu ka mid yahay la dagaalanka musumaasuqu, ayaa doorashada Xasan Kheyre ku noqotay dad badan oo tageeray Farmaajo, mid aad uga fog balanqaadayadiisa ku wajahan xakameynta musuqmaasuqa.

Waxa xusud mudan in balanqaadyo badan oo uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo uu ka dhabeeyay, sida bixinta mushaharka ciidamada oo uu bilaabay.

Waxa kale oo aad loo soo dhaweeyay warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in golaha wasiirada cusub aynan ka mid noqon doonin xildhaabanada Baarlamaanku, si markaasi la xisaabtanka dowladdu ay mug u yeelato.

Dad badan oo odorasa arimaha Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo loo tixgeliyo doorasadiisa ra’iisal wasaaraha cusub Md. Xasan kheyre, hase yeeshee lagula xisaabtamo tayada golaha wasiirada iyo guud ahaan qorshaha waxqabad ee ay la yimaadaan.

Golaha Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in uu ansixiyo ra’iisal wasaaraha cusub.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.