Tuesday, April 16, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Deni oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

GarooweMadaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulanka muhiim ka ah ee uu la qaatay safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya.

”Waxaa maanta magaalada Garoowe nagu soo booqdey wafti uu hogaaminayo safiirka dalka UK oo ah dal saaxiib dhow la ah Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, kana soo qayb-qaatay horumarka iyo dedaalada loogu jiro dib u kabashada Soomaaliya”.

Mashaariic badan oo wax ku ool u ah Puntland ayay hirgeliyeen, qaarkoodna wadaan, waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta halkan ku yeelanay kulan, kaas oo aan uga hadalnay dhinacyada siyaasadda, Amniga iyo horumarinta intaba, waxay ahaayeen waxyaabo wax ku ool ah, dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay sidii loo anba qaadi lahaa marxaladda soo socota, waxay kamid ahaayeen arrimahaasi wixii aan kawada hadalnayAyuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Safiirka UK ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender oo ka mahadnaqay soo dhoweynta heerkeedu sarayso ee uu kala kulmay Puntland ayaa sheegey in ay Madaxweynaha Puntland ka wada-hadleen siyaasadda guud ee Soomaaliya, mashaariicda UK ka fuliso Puntland, sida Caafimaadka, daweynta Xoolaha, hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga, isla markaana safiirka ayaa balan qaaday in UK ay kordhindoonto dhankeeda wada- shaqaynta labada dhinac.

Kulanka uu Madxaweynuhu la qaatay Safiirka UK waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdiweli Cali Timacade iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.