Monday, April 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Deni oo aqbalay in doorashada Puntland lagu saleeyo nidaamkii xulista ee Odayo- dhaqmeedyada

Garowe (WDN)- Madaxweynaha Puntland Md Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa khudbad uu caawa u jeediyay bulshoweynta  Soomaaliyeed ee reer Puntland, xaflad casho oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan xubnaha kala duwan ee bulshada, ayuu ku sheegay in doorashada Puntland ay dhici doonto wakhtigeedii 8 Feb. isla markaana nidaamka doorashadu noqon doonto mid ku salaysan hab-dhaqankii xulista ee odayo- dhaqmeedyada 66 xubnood.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweyne Deni oo isqabqabsi, dagaal iyo isfaham-daro horey uga dhexeysay mucaaradka, taasi oo ku salaysneyd nidaamka doorashada ee 2024, islamarkaana dhexdhexaadin iyo tallooyin badan horey uga  biyo diiday, ayaa hadalkan caawa, ay dad badani aad u soo dheweeyeen.

Aqbalaada Madaxweyne Deni ee nidaam doorashada qabaliga ee 66, ayaa dad badani ku sheegeen in ay ka badbaadineyso Puntland dagaal iyo burbur ay u horseedaan ama dhex mara siyaasiyiinta Dowadda iyo Mucaaradku.

Dhexdhexaadin ay isku xilqaameen dad aad u tiro badan oo matalaya qeybaha kala duwan ee Puntland iyo shacbi-weyanaha Soomaaliyeed, ayaa iyana culeys ku saartay Md Siciid Deni in uu aqbalo soo jeedinta iyo talooyinka, oo meel dhexe la iskugu yimaado.

Doorashada Golaha Baarlamaanka ee Puntland, ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 8 Feb.  Dowladduna ku soo baxda nidaamkii hore ee 66 xildhibaan, ka gadaalna laga rajaynayo dowladda cusub in ay dhameyst tirto nindaamka dimiqraadiyada ee Qof iyo Cod.

Halkan ka daawo Khudbadii Madaxweyne Deni

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.