Madaxweynaha Xasan Sheekh oo la kulmay madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, Cindy McCain

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo la kulmay madaxa hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, Cindy McCain

Muqdisho(WDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay madaxa hay’adda cunnada Adduunka ee WFP Cindy McCain, oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Sida ay qortay warbaahinta dawladdu, Madaxweyne Xasan iyo McCain ‘ayaa ka wadahadlay horumarinta barnaamijyada cunnada Soomaaliya, taageerada hay’adda Cunnada Adduunka iyo wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay saameynta isbedelka cimilada ee ku saaban cunna yarida.’

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee FAO ayaa bishii hore sheegtay in malaayiin Soomaali ah ay weli waajahayaan cunno yaraan, waxaana qoraal kasoo baxay FAO lagu sheegay in ku dhowaad 6.6 milyan oo qof ay waajahayaan xaalad qalalaase cunto ah ama mid intaasi kasii daran ilaa bisha Juun ee sannadkan.

Waxay FAO sheegtay in qaar ka mid ah dadka ku nool saddex meelood magaalooyinka kala ah Buur Hakaba, Baydhaba iyo Muqdishu loo aqoonsaday inay halis ugu jiraan macaluul.

McCain ayaa dowladda Soomaaliya u ballan-qaadday in WFP ay ka taageeri doonaan in Soomaaliyaa ay gaarto isku fillaansho buuxda.

Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.