Madaxweynaha Soomaaliya oo safarkiisii 7-aad ku gaarey magaalada Qaahira

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safarkiisii 7aad ku gaarey caasimadda dalka Masar ee  Qaahira, oo  uu martiqaad rasmi ah ka helay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo safarkiisii 7-aad ku gaarey magaalada Qaahira

Madaxweynaha ayaa inta uu Qaahira ku suganyahay waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa dhigiisa Masar Cabdulfataax Alsiisii iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda dalkaasi ka tirsan, Kulamadaas ayaana diiradda lagu saari doonaa xiriirka qotoda dheer ee labada dal ka dhaxeeya iyo sidii sare loogu qaadi lahaa.

Dowladda Masar ayaa diyaar u ah in ay ka taageerto dowladda Federaalka Soomaaliya dhinacyada amniga iyo tababarada ciidamada, si looga guuleysto kooxaha argagixisada iyo sidoo kale mashaariicda horumarinta.  Iyada oo ay jirto xiisad dhanka isticmaalka biyaha Wabiga Niil, oo u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya, oo safarka Md. Xasan Sheekh ee Masar keeni karta khilaaf soo kala dhex gala xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Dalka Masar ayaa waxaa ku dhaqan jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u ballaaran, waxaana Soomaalida dalkaas ku sugan ay fursado xoogan u haystaan in ay ganacsiyo iyo maalgashi samaystaan waxaa sidoo kale ay ka helaan fursado waxbarasho oo u badan deeqo waxbarasho.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona madaxda ururka jaamacadda carabta sida xoghaya guud ee ururkaas Axmed Abulgeyd , waxaana madaxweynaha uu kala hadli doonaa sidii kaalinkii jaamacadda carabta ee Soomaaliya loo xoojin lahaa isla markaana qeyb ay uga qaadan lahayd dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.