Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in uu booqdo Dhadhaab

Cabdisalaam_Dhadhaab
Md. Cabdisalaam Cumar

Kenya (WDN) –Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sh. Maxamuud ayaa booqosaho ku tagaya magaalada Nayroobi maanta oo ku beegan Isniin ee bisha Juun 6da, taasi oo la xariirta wada tashi ku aadan qaxootiga Soomaaliya ee xerooyinka Dhadhaab.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tago xerada Dhadhaab, iyada oo ay halkaasi gaadheen wafdi hordhac ah oo ay ka mid yahay Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Danjiraha Soomaaliya ee Kenya.

Kenya ayaa sheegtay in ay ka go’antahay in qaxootiga Soomaaliya dib loogu celiyo dalkoodii, iyada oo xustay in qaxootigaasi ku hayaan dhibaatooyin iyo culays la xihiidha dhinaca ammaanka, dhaqaalaha iyo dabeecadda (envonment).

Dhamaan caalamka ayaa ku sheegay qorshaha celinta qaxootiga ee Kenya mid aan waafaqsanayn qawaaniinta caalamiga ee u yaala qaxooitiga.

Scdaalka madaxweynaha Soomaaliya ee Kenya ayaa la sheegay in uu ka mid yahay sidii meel loo dhigi lahaa soo celinta qaxootiga oo lagu waddo in la dejiyo maamulada Jubba iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xerada Dhadhaab oo la furay sanadihii horaantii 90 kii, ayaa ah xerroyinka qaxootiga kuwa ugu waaweyn, iyada oo hoy u ah dad lagu qadaray 330,000 oo qaxooti.

WardheerNews