Jigjiga (WDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu horkacayo ayaa booqosho ku tagay magaalada Jigjiga, ee deegaanka Soomaalida Itoobiya bishan Ogost 10 keedii

Md. Xasan ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed ee booqasho ku taga magaalada Jigjiga ama guud ahaanba deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Madaxweyne Xasan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga, soo dhaweyntaasi oo ay ka qeyb galeen maamulka iyo odayaal dhaqameedyada deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Muxuu yahay qorshaha socdaalka Madaxweyne Xasan sheekh
Madaxweyne Xasan oo hadda ku jira ol’olaha tartanka madaxtinimada Soomaaliya, ayaa dad badani is weydiinayaan sababaha uu wakhtigan ugu beegay socdaalka uu ku tagay magaalada Jigjiga, isaga oo horey in badan socdaalo tiro badan ugu tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, hase yeeshee marna aan booqan deegaanka Soomaalida.
Dad badan ayaa u arka socdaalka mid la xidhiidha sidii uga heli lahaa dowladda Itoobiya taageero dhinaca doorashooyinka lagu wado inay ka dhacaan Soomaaliya sanadkan aakhirkiisa.
Itoobiya oo ay hadda ka socdaan rabshaddo sababay dhimasho oo ka taagan deegaanka Oromada, ayaa waxaa iyana ka jira deegaanka Soomaalida Itoobiya cadaadis xooggan oo uu ku hayo shacbiga Soomaalida Itoobiya maamulka uu ka arimiyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay).
Wali ma jiraan warar sheegaya qorshaha socdaalka Xasan Sheekh ee magaalada Jigjiga oo ka soo baxay dhinaca Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo loo arko booqoshadaasi mid aan dhaafsiisnayn oo ku qotonta socdaal iidheh (propaganda) oo taageero doon ah.
WardheerNews
Leave a Reply