Garoowe (WDN)- Madaxweynaha Dowladda Puntland, Md. Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furitaankii kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland khudbad ka jediayay , ayaa ka warbixiyay waxyaalihii u qabsoomay dawladiisa tan iyo intii uu xukunka hayay, iyo qorshayaasha ku talogalka wakhtiga dhow iyo ka fog.

Markii uu madaxweynuhu dhamaystay khudabadiisii ayaa Xildhibaan Cawil Xasan oo ka soo jeeda gobolka Mudug uu weydiiyay su’aal ku salaysneyd in Xukuumadda Md. Deni ay ka gaabisay ujeedooyinkii iyo waxqabadkii loo doortay, Madxweyanaha iyo M/weyne xigeenkuna ay ka dhaxeyso isqabqabsi iyo isafgaranwaa, islamarkaana ay haboontahay in uu Madaxweynuhu uu is casilayo .
Madaxweyne Deni ayaa arinkaasi si cadho leh uga jawaabay, waxaana uu sheegay in xukuumaddiisu ay guullo waaweyn ka gaartay arrimihii ay ballan-qaadday haseyeeshee maamulkii isaga ka horreeyay uu xildhibaanku ka tirsanaa isaga oo ahaa uu agaasime ku xigeen madaxtooyo arrimo badan ku guul dareysteen
Madaxweynah ayaa ka gadaal markii uu su’aashaasi ka jawaabay si deg deg ah oo cadho ka muuqato uga baxay Baarlamanka.
Xildhabaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland, oo qabtay shir jaraa’id kadib furitaanka Golaha Baarlmaanka , ayaa sheegay in aan loo baahneyn in Madaxweynuhu uu ka cadhoodo su’aasha ka timid xildhibaanka, iyaga oo sheegay in Baarlmaanku xaq u leeyahay isla xisaabtanka Dowladda.
WardheerNews