Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweynaha Puntland oo si cadho leh uga baxay Furitaankii Baarlamaanka Puntland

Garoowe (WDN)- Madaxweynaha Dowladda Puntland,  Md. Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furitaankii kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland khudbad  ka jediayay , ayaa ka warbixiyay waxyaalihii u qabsoomay dawladiisa  tan iyo intii uu xukunka hayay, iyo qorshayaasha ku talogalka wakhtiga dhow iyo ka fog.

Madaxweyne Deni

Markii uu madaxweynuhu dhamaystay khudabadiisii ayaa Xildhibaan Cawil Xasan oo ka soo jeeda gobolka Mudug uu weydiiyay su’aal ku salaysneyd in Xukuumadda Md. Deni ay ka gaabisay ujeedooyinkii iyo waxqabadkii loo doortay, Madxweyanaha iyo M/weyne xigeenkuna ay ka dhaxeyso isqabqabsi iyo isafgaranwaa,  islamarkaana ay haboontahay  in uu Madaxweynuhu uu is casilayo .

Madaxweyne Deni ayaa arinkaasi si cadho leh uga jawaabay, waxaana uu sheegay in xukuumaddiisu ay guullo waaweyn ka gaartay arrimihii ay ballan-qaadday haseyeeshee maamulkii isaga ka horreeyay uu xildhibaanku ka tirsanaa isaga oo ahaa  uu agaasime ku xigeen madaxtooyo arrimo badan ku guul dareysteen

Madaxweynah ayaa ka gadaal markii  uu su’aashaasi ka jawaabay si deg deg ah oo cadho ka muuqato uga baxay Baarlamanka.

Xildhabaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland, oo qabtay shir jaraa’id kadib furitaanka Golaha Baarlmaanka , ayaa sheegay in aan loo baahneyn in Madaxweynuhu uu ka cadhoodo su’aasha ka timid xildhibaanka, iyaga oo sheegay in Baarlmaanku xaq u leeyahay isla xisaabtanka Dowladda.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.