Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Madaxda Shirkada Diyaaradaha ee Itoobiya- ET

Adiss Ababa, Juun, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Adiss Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiyaan Airline.

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Madaxda Shirkada Diyaaradaha ee Itoobiya

Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa kala ahaa Guddoomiyaha ( CEO) shirkadda duulimaadyada Itoobiya Mr. Tewolde Gebre Mariam, Ku-xigeenka Madaxa Qorshaynta iyo Iskaashiga Mr. Busera Awel iyo Madaxa Suuqgeynta Geesta Africa ee shirkadda Mr. Yemene Fitwi.

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii shirkadda duulimaadyada caalamiga ah ee Itoobiya Puntland uga hirgelin-lahayd duulimaadyo joogto ah, kuwaas oo xoojinaya, qaybna ka noqonaya xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Itoobiya iyo Iskuxirka Puntland iyo caalamka kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa masuuliyiinta kala xaajoodey abuuridda fursado ganacsi oo lagu horumarinayo xidhiidhka taarikhiga ah ee Puntland iyo Itoobiya, Madaxweynaha ayaa xusay inay qayb muhiima ka qaadanayso xidhiidhkaasi hirgelinta duulimaadyo caalami ah oo ay Shirkadda Itoobiyaan Airline ka hirgeliso Puntland, taasi oo fududaynaysa isku xidhka labada dhinac iyo abuuridda fursado maalgashi.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in Puntland ay leedahay garoomo diyaaradeed oo caalami ah, kuwaasi oo buuxinaya shuruudaha diyaaradaha nooc walba oo ay yihiin, wuxuu cadeeyey inay Puntland diyaar u tahay waxkasta oo lagu suurta gelinayo hirgelinta duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airline.

Masuuliyiinta shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa dhankooda soo dhoweeyey inay Puntland ka hirgeliyaan dulimaadyo qayb ka noqda kobcinta Ganacsiga labada dhinac, waxayna shirkaddu ogolaatay bilaabista duulimaadyo isku xira Puntland iyo Itoobiya.

Shirkadda duulimaadyada Itoobiya ayaa sidoo kale magacawday Guddi farsamo oo u kuurgal ku sameeya habka shaqo ee garoonka diyaaradaha Garoowe, kuwaasi oo 15 Juun 2019 diyaarinaya xog dhammaystiran oo ku aadan Garoonka.

Itoobiya iyo Puntland waxaa ka dhexeeya xiriir ganacsi iyo mid amni oo wanaagsan, waxaana Garoowe ka furan qunsuliyad ay leedahay Itoobiya oo kashaqeysa fududeynta isu socodka dadka iyo ganacsiga. 

Madaxtooyada Puntland


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.