Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha maamulka goboleedka Hirshabeelle Md. Maxamed Cabdi Waare, ayaa soo dhisay golaha wasiirrada cusub ee maamul goboleedka Hirshabeelle, oo ka kooban 57 xubnood.
Golaha cusub ayaa isugu jira:
b) 20 Wasiir
t) 20 Wasiir ku xigeen iyo
j) 17 Wasiirru Dowle.

Wasaarradaha la soo dhisay, ayaa waxaa ka maqan, Wasaarrada Haweenka iyo Horumarinta Xuquqda Aadanaha, iyada oo golaha wasiirrada cusub ay ku jiraan xubno horay xilal u soo qabtay.
Hirshabeelle oo ah maamul goboleedkii ugu danbeeyay ee la dhiso, islamarkaana uu dhaqaalihiisu aad u liito, ayaa baaxadda golaha wasiirrada oo ah 57, ay tahay mid aad u balaadhan, oo culeys ku keeni karta dhaqaalaha iyo hufnaanta shaqada adeega dadweynaha.
Waxa kale oo iyana jirta isla markii la soo saaray magacyada wasiirrada cusub, in Md. Ismaaciil Maxamed Culusow oo loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarrada Boostada iyo Isgaarsiinta, uu sheegay inuu iska casilay xilka loo magacaabay.
Md. Ismaaciil Culusow ayaa sheegay sababta uu isku casilay in ay tahay isaga oo aan lagala tashan xilka uu Madaxweynaha Hirshabeelle u magacaabay, oo ah Wasiirru Dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta.
Maxamed Cabdi Waare ayaa 16 Sebtember, 2017, loo doortay madaxweynhii labaad ee maamul goboleedka Hirshabeelle.
WardheerNews
Leave a Reply