Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Iyo Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo Kulan Yeeshay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Iyo  Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo Kulan Yeeshay

Beledweyn- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, iyagoo ka wada hadlay arrimo quseeya Xuduudaha iyo Federaalka  iyo wada shaqeynta Maamulka iyo Guddiga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Iyo Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo kulan yeeshay, Beled Weyn

Xubnaha kulanka Madaxweynaha la qaatay ayaa waxaa hor kacayay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Khaliif C/kariin Maxamed, waxaana ay ka wada  hadleen Tabasho maamulka Hirshabeelle uu qabay, iyagoo ka turxaan bixiyay misana ka qanciyay, waxaana sidoo ay kala hadleen shir Dhowaan magaalada Muqdisho ka dhacaya oo looga hadlayo Arrimaha Xuduudaha iyo Doorka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Khaliif C/kariin Maxamed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa sheegay in u jeedada kulankaan uu ahaa  in la dhageysto talooyinka Hirshabeelle  iyo Hay’adaha Quseeya Arimaha Xuduudaha iyo Federaalka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin La Kulanka Madaxweynaha Hirshabeelle Dr  Cali Cabdullaahi Cosoble iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, waxaana uu sheegay in ay diyaar u yihiin La shaqeynta Maamulka ayna dhowaan booqan doonaan deegaanada Hirshabeelle Gaar ahaan Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa guddiga u balanqaaday wada shaqeyn buuxda, waxaana dhinaca kale uu Ku dheeraaday ka sheekeynta Xadka Gobolka Banaadir uu La Wadaago Hirshabeelle iyo sida muhiimka ay u tahay Ku dhaqanka xadkaasi, iyo in ay wada shaqeeyaan Wasaaradda Shaqo wadaaga ay yihiin ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Hirshabeelle.

Kulanka Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle uu La qaatay Guddiga Xuduudaha Iyo Federaalka ayaa waxaa goob joogo ka ahaa Qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada Sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Hirshabelle. Waxaana uu ku soo dhamaaday Jawi Isfahan ah.

—–Dhamaad—–


Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
ee Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle

Leave a Reply

Your email address will not be published.