Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubba oo Ka Badbaaday Weerar la Rabay In Lagu Khaarajiyo

Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubba oo Ka Badbaaday Weerar la Rabay In Lagu Khaarajiyo

Shir_Axmed_islam_1Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday gawaadhi uu la socday madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba, ayaa ka dhacay maanta magaala Kismaayo.

Weererkan oo sida wararku sheegayaan loo adeegsaday gaadhi kale oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday gawaadhi kolonyo ah oo uu la socday madaxweynuhu ayay wexyeelo dhimasho iyo dhaawac ahiba ka dhasheen inkastoo aanay waxba ka soo gaadhin weererkaas madaxwenaha maamulka Jubba Sh. Axmed Madoobe.

Sheekh Axmed Madoobe oo saxaafadda goor dhawayd kula hadlay magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in ay ku fashilmeen oo aanay wax dhib ahi ka soo gaadhin.

Sh. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in dagaalkani sii socon doono, waxaaanu tacsi u diray dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay weerekaas.

Dhanka kale madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa canbaareeyay weerekan la rabay in lagy khaarajiyo madaxweynaha maamuka Jubba.

Urur diineedka xagjirka ah ee Alshabaab oo loo badinayo in ay weererkan ka dambeeyeen dhankiisa weli wax war ah kamuu soo saarin.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.