Muqdisho(WDN)- War-Saxafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyo Qaran, ayaa walaac ka muujisay shirka Dhuusamareeb 3. Madasha ayaa ku boorisay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleeyada in ay qadariyaan marxaladda xasaasiga ah ee dalku ku jira. Madasha ayaa sidoo kale sheegtay in Gudigii Farsamo ee arimaha doorashooyinka, ee dhawaanta lagu dhisay Shirikii Dhuusamareeb 2, aynan wax xiriir iyo wada tashi ah la yeelan Madasha Xisbiyo Qaran.
Warsaxafadeedkaas oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:
