Warmurtiyeed:
1.Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho 9-ka ilaa 12- ka bisha Abril 2016.
2.Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda FederaalkaSoomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud; Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawari; Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke; Ra’iisul-wasaare Kuxigeenka Dowladda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed.
3.Madaxda Madasha Hoggaanka Qaran waxay soo dhoweeyeen heshiiska ay Dowladda Federaalka iyo Puntland wada gaareen 3-dii Abril, waxayna garowsadeen in uu waddada u xaarayo hirgelinta geeddi socodka doorashada sannadka 2016, iyo weliba isu diyaarinta loogu jiro doorasho dadweyne (qof iyo codkiisa) ee dhici doonta sannadka 2020.
4.Madasha Hoggaanka Qaran waxay mar kale ku celisay ballanqaadka ah in aan loo kordhin doonin mudada xil haynta Golaha Shacabka iyo Dawladda Federaalka. Madashu waxay sidoo kale ugu yeertay qaybaha kala geddisan ee ay khusayso in ay hubiyaan u diyaargarowga iyo hirgelinta doorashada 2016 mudada loo cayimay. Waxa kale oo ay ka codsadeen bulshada caalamka in ay ka caawiyaan fulinta hawshaas. Sidaa daraadeed, Madasha Hoggaanka Qaran waxay isku raaceen hannaanka iyo qaabdhismeedka soo socda:
Habka iyo Qaab-dhismeedka Doorashada:
a.Hannaanka doorashada 2016 wuxuu noqon doonaa mid dalka uga hirgala si isku midWaxa la dhisi doona laba guddi doorasho oo kala ah: Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Qaran iyo Guddiga Hirgelinta Doorashada ee Heer Dawlad Goboleed. Guddiyadu waxay ka kala imaan doonaan: Dawladda Federaalka ah, Dawladaha xubnaha ka ah iyo kuwa samaysmi doona.
b.Guddiga Doorasho ee Heer Qaran wuxuu ka koobnaan doonaa 17 xubnood, kuwaas oo ay 5 xubnood soo magacaabayso Dawladda Federaalka halka ay dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ay mid kasta soo magacaabi doonto 2 xubnood.
c.Guddiga Doorasho ee Heer Dawlad Goboleed midkiiba wuxuu ka koobnaan doonaa 11 xubnood; 8 ka mid ah waxaa soo magacaabaya dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka; 3 xubnoodna waxaa soo magacaabaya Dawladda Federaalka.
d.Guddiga Doorasho Heer Qaran iyo Guddiga Doorasho ee Heer Dawlad Goboleed waxa loo soo dhisi doonaa sida ugu dhakhsaha badan, waxayna gudageli doonaan dhammaan 2 hawlaha diyaargarowga iyo fulinta doorashooyinka. Madaxda Hoggaanka Madasha Qaran ayaa labada guddi u sameeyn doona habraacooda shaqo.
e.Madaxda Hoggaanka Qaran waxay dhisi doonaan guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka 2016.
Leave a Reply