Maareeyihii hay’adda diiwaangelinta dadweynaha oo shaqada laga joojiyey xilli shir looga hadlayo diiwaangelinta madaniga Muqdisho ka socdo

Maareeyihii hay’adda diiwaangelinta dadweynaha oo shaqada laga joojiyey xilli shir looga hadlayo diiwaangelinta madaniga Muqdisho ka socdo

Muqdisho (WDN)-  Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Md. Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta shaqada ka joojiyey maareeyihii hay’adda Diiwaangelinta Madaniga iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed Mukhtaar Xuseen Maxamed Qooraansey, kadib markii la sheegay in lagu soo oogay eedo badan oo la xariirta wada shaqayn la’aan hay’addaha kale ee dawladda.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyey maareeyaha daah furnaan la’aan dhanka shaqada ah iyo dardargelinta mashruuca aqoonsiga dadweynaha, kaasi oo xukuumaddu sheegtay inuu qeyb weyn ka qaadanayo tiro koob sax ah oo dhanka bulshada ah iyo sugidda amaanka caasimadda.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska wasiirka ayaa si KMG ah loogu magacaabey ku xigeenka maareeyaha shaqada laga joojiyey, kaasi oo la farey inuu waajibaadkiisa qaran uu guto laga bilaabo maanta, isagoo kaashanaya agaasimayaasha waaxyaha hay’adda diiwaangelinta madaniga Soomaaliyeed.

Shaqo joojinta lagu sameeyey maareeyihii hay’adda diiwaangelinta dadweynaha ayaa kusoo aadaysa xilli magaalada Muqdisho maalintio 3-aad uu ka socdo shirweyne looga hadlaayo diiwaangelinta casriga ee madaniga iyo aqoonsiga dadweynaha, kaasi oo ay soo qabanqaabiyeen wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka Banaadir ayna ka qeybgalayaan masuuliyiin ka socota maamul goboleedyada dalka.

Shirka ayaa laga wada hadlayaa si loo helo nidaam casri oo lagu mideysanyahay oo la xariira diiwaangelinta madaniga iyo aqoonsiga dadweynaha oo xukuumadda Soomaaliya ay u aragto mid muhiim ah sugidda amniga iyo in la helo tirokoob rasmi ah oo shacabka Soomaaliyeed ah.

Maxamed Cumar
Wardheernews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.