Wednesday, July 03, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Maantay curatay!

W.Q. Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir).

Ammin lagu hilaadiyo 23 gu’ ka hor, ayay ahayd: markay siyaasiyiin iyo issimmo u dhashay degaannada Puntland ay dhidibbada -u- taageen dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee nidaamka Federalka Soomaaliya.

Dowlad-goboleedkii lagu dhisay Garoowe 1998-kii, waxaa hoggaankeedii majaraha u qabtay Gaashaanle Sare/ Cabdullaahi Yuusuf Axmed (AHUN) oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee nasiibka u yeeshay madaxnimada Puntland-tii koowaad. 

MW Siciid Deni

Halka maanta oo ay taariikhdu tahay 25/10/2021, madaxweynena uu ka yahay dowladda Puntland: Siciid Cabdullaahi Deni, ay tahay asaaskii labaad ee Puntland, wuxuuna madaxweyne Deni ku guulaystay xaqiijintii himmiladii ahayd: qof iyo codkii. 

Hortii labo isku day ayaa jiray oo aan guulaysan, madaxweyne Cabdiraxmaan Sh.Maxamuud Faroole iyo Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, labaduba, waxay isku dayeen: in ay hirgaliyaan nidaamka xisbiyada badan, nasiib darrose, waxaa ka hor yimid caqabado keenay in mashruucu dhicisoobo! 

Sababaha guusha!

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni sannadkii ugu horreeyay ee xil-hayntiisa ayuu magacaabay guddi uu aad uga fakaray xulashadooda, xubno uu ku xushay karti iyo hufnaan buuna u xil-saaray taabba-galinta nidaamka dimuqraadiga ah ee Puntland.  Sidaas ayuuna madaxweyne Deni ku dhaqan-galiyay qodobka 46-Aad ee dastuurka dowladda Puntland ee qeexaya xisbiyada badan.

Aroornimadii hore ee dharaartii 23-ka bisha October, ayaan Guuleed Saalax Barre, Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland (GDP)- ku booqday xafiiskiisa magaalada Garoowe. Waxay saantaydu la kulantay iyadoo agabkii doorasho ee cod-bixiyayaasha uu u kala dirayo degmooyinka tijaabada ah ee doorashada golayaasha degaanka ee kala ah: Qardho, Eyl iyo Ufeyn. 

Waxa  kaluu meel dajinayay kor-meerayaal caalami ah oo ka soo qayb-galay dhacdadaan taarikhiga ah, ee ay ugu dambeysay qabsoomiddeeda, 53 sano ka hor degaanadaan ururrada sagaal ahi ay ku baratamayaan.

Arrinkaan aan la kulmay waxay iiga dhignayd: dhacdo yididdiilo  ku beertay qalbigayga, waxaan xaqiiqsaday saaxiibkay, jaalkay Guuleed Saalax oo ah rafiiq aan dalka Suudaan  wax ku wada barannay- in uu qabtay hawl bogaadin iyo dhiirigalinba mudan, isaga iyo weliba xubnaha kale ee guddiga la shaqeeya.

Tirada guud ee dadka is-diiwaan galiyay waxay dhanyihiin: (46,839), waana tiro muujinaysa in dadku diyaar u yahay in ay codkooda ku soo dhisaan gole-deegaan oo danahooda ka shaqeeya. 

Cilmi-baaris

Sheekadii dheerayd ee na dhex-martay aniga iyo guddoomiyaha guddiga- ku-meel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, waxay nala gashay muhimmada ay leedahay cilmi-baarista iyo kaalinta ay ka ciyaari karto sooyaal kaydinta ay ka mid tahay: dhacdadaan taarikhiga ah. 

Waxaan uga warramay buug aan akhriyay cinwaankiisuna ahaa: (Somaliland 2050: Tagtadii iyo Timaaddada), waa dhigane nooca loo yaqaan dhaliil wax dhista, waxay si qota dheer u faaqidayaan doorashooyinkii degaannadaas ka qabsoomay, wixii lagu guulaystay iyo guuldarrooyinkii soo maray! 

Doorashada waqooyiga Soomaaliya ka qabsoomay qaran-jabkii ka dib, ee aan ka warramay, waa dhinac kaliya ee dhiganahaasu xambaarsanaa, waxaa jira, dhinacyo kaloo uu ka faaloonayay buuggu dhinac taban iyo mid togonba! 

Waa halkaan uga golleeyahay in cilmi-baadhistu la hana-qaaddo isbadallada siyaasadeed ee dagaannada Puntland ka curtay! 

Gunnaanadkii waxaan leeyahay shacabka Puntland oo dhan hambalyo, waxaa la gaaray yool aynu in badan u hanqal-taagi jirnay, madaxweynaha ay xil-hayntiisa inta lagu guda jirana rumowday riyadii shacabku taariikhdaa xusi doonta! 

Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)

Email: [email protected]


Dr. Ashkir waa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland, waana qoraa ka faallooda arrimaha Siyaasadda iyo Taariikhda.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.