Maanso: Faysbuugii Maxaad Ku Nacday?

Maanso: Faysbuugii Maxaad Ku Nacday?

W/T. Dr. Khadar Jaamac

1. Faysbuug faan iyo
2. Foolxumooyin badanaa
3. Meeshu been ku faaniyo
4. Fisqi iyo xumaan iyo
5. Fadarooyin badanaa

6. Bowdyaha mid faydoo
7. Faruuryaha casaysiyo
8. Fiidmeero badanaa
9. Soddohaha fagaaraha
10. Soo faytay maradii
11. Ficil loo hiloobiyo
12. Faanbay u haystaan

13. Hayeeshee fallaadh iyo
14. Furuq yo xanuun iyo
15. Fin calool kasoo baxay
16. Faysbuugu kaga daran

17. Maxaa wiil fallaaga ah
18. Hadal aan fiicnayn
19. Ku dhex faygaraayoo
20. Faylkiisu buuxsamay
21. Fulay faan ku nooloo
22. Foolaad ismoodiyo
23. Fahma guurku badanaa
24. Maxaa ficil gumeed iyo
25. Fisqi iyo xumaan idil
26. Fadli lagu matalayaa

27. Dhanka kale farshaxan iyo
28. Fiicnaantu badanaa
29. Faalooyin toogan iyo
30. Farriin caafimaad iyo
31. Faahfaahin badanaa
32. Faaqidaad cuddoon iyo
33. Farxad iyo aroos iyo
34. Farsamooyin badanaa

35. Foojignaan ha moogaan
36. Ha fatihin sidii weel
37. Fahan iyo ogaal iyo
38. Warka fiiro ku astee
39. Ka fogoow xumaantiyo
40. Wixii aan fayoobayn
41. Khayra faafintiisiyo
42. Fadligana ha moogaan.

W/T. Dr. Khadar Jaamac
Email: Shareeco30@yahoo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.