Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

MAANDEEQ : Hashii Saddexda Doqon

By Ahmed Khalif

Maandeeq, hashii kuruska iyo horaaddada wayneyd, ee astaanta u ahayd xornimada Soomaaliya ayaa maanta u eg  hashii sheeko carruureedda saddexda Doqon wada lahaayeen.

Maandeeq

Saddex Doqon oo walaallo ah ayaa la yiri, waxay Aabbahood ka dhaxleen hal caano badan; carruurnimadoodii, markii ay yaryaraayeen, saddexdan Doqon hashaas ayaa lagu soo koriyey oo wax walba u aheyd;  1) iyada ayaa caano looga lisi jirey; 2) loo dhaamin jirey; 3) loogu ugaari jirey; 4) markii laguurona lagu rari jirey,  5) oo la fuulin jirey.

Saddexdan Doqon ayaa nolashooda oo dhammi waxay ku tiirsanayd hashaas; oo wax walba u aheyd marka laga reebo hilib oo ay isagana markii ay u baahdaan iyada loogu soo ugaari jirey. Doqomadaan oo caqliga iyo cududdaba caajis ka ahaa, ayaa gabay oo ka wahsadadey shaqada kaliya ee ay qaban jireen, taaas oo aheyd – ugaarsi.

Muddo dheer haddii aysan ugaarsan oo hilib la’aan ahayeen, caano kaliya ku noolaayeen, ayaa maalin maalmaha ka mid ah, ayaa mid doqomadii ka mid ah inta dab shidey; oo dhagax dhex dhigey; oo sidii hilib la solayo dhagaxii rogrogey, yiri: “allow yaa dabkaan hilib sidaa ugu rogrogta. Midkale oo Doqomadii ka mid ah ayaa yiri: Oo maad rogrogatid, ma Allaa kuu waayey?”

Doqonkii sadexaad ayaa isna yiri: “ Oo maad hasheena hal addin (lug ama jeeni) inooga soo gooysid oo inoo rogrogtid? ” Doqonkii dabka shidayna inta ordey ayuu hashii oo nool adin ka soo goostay. Sidaas ayaa maalintaas hashii addin looga goostay oo looga hilbo cunay.

Hashii oo meeshii addinka looga goostay ku dhacday ayaa habeen markii la soo hoyday saddexdii Doqon la is waydiiyey; mid ka mid ah ayaa mid kale waydiiyey: war walaallow hasheenii ma aragtay? Kii kale ayaa ugu jawaabay: halkaas bay saddex-addin, saddex-addin la hayd,  oo iyadoo saddex addin ku boodaysa Geelii kale oradka ka badisay.

Maalintii labaad, ayaa mid kale oo Doqomadii ka mid ah dab shiday oo inta dhagax ku dhex rogrogay yiri: allow yaa dabkaan hilib sidaa ugu rogrogta. Mid kale ayaa yiri: oo maad rogrogatid, ma Allaa kuu waayey? Kii kale oo saddexaad ayaa isna yiri: “ Oo maad hasheena hal addin inooga soo gooysid oo inoo rogrogtid? ” Sidaas ayaa maalintaasna hashii looga hilbo cunay oo addin kale looga goostey.

Hashii oo meeshii addinka looga goostay wali taalla ayaa habeenkii markii la soo hoyday saddexdii Doqon la is waydiiyey; mid ka mid ah ayaa mid kale ku yiri: war walaallow hasheenii ma aragtay? Kii kale ayaa ugu jawaabay: halkaas bay labo-addin, labo-addin la hayd oo iyadoo labo addin ku boodaysa Geelii oradka ka badisay.

Maanlintii saddexaad, ayaa mid kale oo Doqomadii ka mid ah dab shiday oo inta dhagax ku dhex rogrogay yiri: allow yaa dabkaan hilib sidaa ugu rogrogta. Mid kale ayaa yiri: oo maad rogrogatid, ma Allaa kuu waayey? Kii kale oo sadexaad ayaa isna yiri: “ Oo maad hasheena hal addin inooga soo gooysid oo inoo rogrogtid? ” Sidaas ayaa maalintaasna hashii looga hilbo cunay oo addin kale looga goostey.

Hashii oo halkii shalay wali taalla ayaa habeen markii la soo hoyday saddexdii Doqon la is waydiiyey; mid ka mid ah ayaa mid kale ku yiri: war walaallow hasheenii ma aragtay? Mid kale ayaa ugu jawaabay: halkaas bay addin, addin la hayd oo iyadoo hal addin ku boodaysa geelii oradka ka badisay.

Maanlintii afraad, ayaa haddana mid Doqomadii ka mid ah dab shiday oo inta dhagax ku dhex rogrogay yiri: allow yaa dabkaan hilib sidaa ugu rogroga. Mid kale ayaa yiri: oo maad rogrogatid, ma Allaa kuu waayey? Kii kale oo saddexaad ayaa isna yiri: “ Oo maad hasheena hal addin inooga soo gooysid oo inoo rogrogtid?” Sidaas ayaa maalintii afraadna  hashii looga hilbo cunay oo addinkii ugu dambeeyey looga soo goostey.

Hashii oo meeshii shalay addinka looga goostay wali taalla ayaa habeen markii la soo hoyday saddexdii Doqon la is waydiiyey; mid ka mid ah ayaa mid kale ku yiri: war walaalow hasheenii ma aragtay? Mid kale ayaa ugu jawaabay: halkaas bay shaf, shaf la hayd oo iyadoo shafka ku boodaysa geelii oradka ka badisay.

Maalintii shanaad, ayaa haddana doqomadii mid ka mid ah dab shiday oo inta dhagax ku dhex rogrogay yiri: allow yaa dabkaan hilib sidaa ugu rogroga. Mid kale ayaa yiri: oo maad rogrogatid, ma Allaa kuu waayey? Kii kale oo sadexaad ayaa isna yiri: “ Oo maad hasheena inooga soo goosatid oo inoo rogrogatid ”. Sidaas ayaa maalintaasna hashii intii ka hartay loo qashay oo loo cunay illeen addin dambe oo laga goosto kuma harine.

Maalintii lixaad saddexdii Doqon waxay ku soo dhaceen cidla: caano, hilib, biyo, iyo gaadiid midna ma leh. Markii ay hashoodii nolasha ku cuneen ayey saddexdii Doqon gaajo iyo haraad u dhinteen.

Xikmadda sheekadaan ku jirta waxay tahay: in aan laga  fakarin xalka baahida markaa ku haysata oo kaliya, ee laga fakaro baahida ama dhibta dambe oo imaan doonta – ninkii aan waxa soo socda ka talin waxa jooga kama talin. Saddexda Doqon waxay ka fakarayeen oo kaliya xalinta baahidooda markaas taagan, laakiin kama ay fakarin mustaqbalkooda, iyo baahida jiritaankooda; maangaabnimo ama aragti-gaabni ayaa sabab u noqotay baaba’ooda.

Soomaalida maanta oo sida saddexdaas Doqon meel dhow wax ka eegaya ayaa shafka dhulka u dhigay hashii horaaddada wayneyd ee Maandeeq, ee kal hore u curatey; Maandeeq ayaa iminka mooddaa in Doqomadii maali jirey ay nolosha ku cuneen; sidaa darteed waxaa iminka khatar wayn ku jira jiritaanka Soomaalida. 

Waxaa nasiib-daro ah in Soomaalida maanta aysan garan karin dhaawaca ay Maandeeq u gaysteen; ee ay sida saddexdii Doqon, iyaga wali la tahay in Maandeeq Geella ajiga oradka ugu badiso.

Ahmed Khalif
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.