Hargeysa (WDN)- Maamulka Soomaaliland ayaa sii daayay laba Wasiir oo horey uga tirsanaa Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ee uu madaxda ka ahaa Cabdi Cumar (Ilay).
Wasiirradaasi oo kala ah:
1) Ibraahim Aadan Mahad, oo ahaa wasiirka waxbarashada iyo
2) Cabdi Jaamac oo ahaa wasiirka Caddaaladda
Labada mas’uul ayaa ka soo galay Soomaaliland dhinaca magaalada Tog-Wajaale ee xuduudka Soomaaliya la wadaagto Itoobiya, kadbi markii ay rabshado ka dilaaceen magaalo madaxda Jigjiga iyo goobo kaleeto oo tirsan deegaanka Soomaalida.
Labada wasiir ayaa markii ay soo galeen Soomaaliland, ka gadaal damcay maalmo ka dib in ay ka baxaan Soomaaliland, halkaasi oo lagu xanibay Garoonka Hargeysa.
Odayaal dhaqameedyo ku lug lahaa sii deynta labada mas’uul, ayaa u sheegay WardheerNews, in si wacan ay u dhacday sii deynta labada Wasiir, iyaga oo u mahad celiyay dhamaan Dowladda iyo dadkii ka qeyb qaatay sii deynta labada mas’uul.
WardheerNews