Wednesday, July 03, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

MAAMULKA SOMALILAND SI SIMAN MA U SAAMI-SOORAA DEGMOOYINKA?

W.Q. Maxamuud C/llahi Axmed

Waxa maalmahan saaxadda siyaasadda ee Somaliland (SL) ka socota dood kulul oo ka aloosan qoondaynta lacageed ee ay qasnadda dawladda dhexe siiso dawladaha hoose. Su’aasha taagan baa ah: wasaaradda maaliyaddu si siman ma u saami-soortaa dawladaha hoose ee Somaliland?

Kefadda iyo miisaanku waa astaanta caddaaladda

Kolayba erayada caddaalad iyo sinnaan waa erayo macno balladhan oo akhlaaqi ah, diini ah, falsafi-na ah; kolkaa ma aha kuwo lagu deg-dego falanqayntooda. Ilaah uun baa caadil ah. Waxaynu se ka bilaabi halka ugu fahamka fudud sida: degmooyinka Somaliland ma u siman yihiin qaybinta dakhliga dawladda, siiba qasanadda dawladda ee cashuruhu ku soo xaroodaan?

Sinnaan la’aanta degmooyinka waddanka, marka ay timaado qaybinta dakhliga ka soo xarooda kastamada, qodobka 14aad ee Xeerka lambar (Lr.) 12 ee sannadkii 2000, wuxu qorayaa, “Degmooyinka kastamada ku yaaliin waxay xaq u yeelanayaan in Wasaaradda Maaliyaddu u qaaddo (10%) oo ay ku yeelanayso Cashuurta Guud ee Dawladda Dhexe (Customs Duty) ee ay ka qaado furdadaas.” Waxa jira iyana xeerar ka dambeeyey oo sii xoojiyey qodobka 14aad ee Xeer Lr. 12 sida Xeer Lr.23/2019.

Haddaba Somaliland labo degmo keliya ayey ku yaaliin kastamo rasmi ahi: Berbera iyo Gabiley. Labadaa degmo ayaa xeerkaas kore siiyaan bursi-dheeraad ah oo ay ka qaataan qasnadda dawladda. Sababtu wax kale ma aha, waa keliya: waxa ku yaal kastamo cashuuro lagu qaado. Ma tahay sabab macquul ah oo lagu qanco?

Waxa intaa raaca in degmooyinkaasi ay ka qayb-galaan kabka (12.5% dakhliga cashuuraha) ee dawladda dhexe u qaybiso degmooyinka. Waxa kale oo intaa dheer in shaqaalaha wasaaradaha ee ka hawl-gala degmooyinkaas, sida degmooyinka kaleba, ay dawladda dhexe bixiso kharashkooda.

Hadda bal garoo, badeecadda soo marta kastamaadaas, cashuurta lagaga qaado ganacsatada waxay u soo gudbiyaan macmiishooda/rukunkooda. Qof kasta oo gasiinta kiiloo raashin ah oo ka soo degtay furdada Berbera, ama ku qayila mijin qaad ah oo soo martay Kala-Baydh (Gabiley) ayaa bixiya cashuurta ku xaroota qasnadda dawladda. Sidoo kale xoolaha dhoofayaana gobollada oo dhan iyo meelo ka baxsan ayey ka yimaadaan. Ma aha cashuur labadaas degmo goonidood u bixiyeen ama badeeco/xoolo iyaga gaarkood uga yimi.

John Rawls (1921 – 2002) oo qoray buugga Theory of Justice, laguna tixgeliyo aragtidiisa caddaaladda dawliga ah, wuxu u dhigay qaacidooyin kooban. Wuxu yidhi si loo helo caddaalad waa in mujtamaca loo habeeyo sidan: (1) lama taab-taan inay tahay xuquuqda qofka sida tacbiirka fekerka iwm; (2) sidii dheef iyo fursado badan loo siin lahaa dadka ugu baahi badan ama tabarta yar: (3) iyo haddii ay jirto in cid loo badinayo, waa in bursigaas faa’ido ugu jirtaa mujtamaca oo dhan (sida mushaharka oo loo badiyo dhakhtar naf badbaadinaya).

Dawladaha dunidu, badiyaa, marka ay lacagta u qoondaynayaan degmooyinka ama gobollada waxay raacaan qaacidooyin cayminan sida: tirada dadka ku nool degmadaas, baaxadda iyo cayn-dhuleedka (terrain), baahida gaarka ee degmada, iyo haddii maalgelin dheeri ah la siinayo degmo/gobol in dalku ka wada faa’idayo, waxaana la yidhaa saami-soor. Mabda’a guud ee laga duulayaana waa u sinnaanta qasnadda dawladda iyo tixgelinta baahida.

Haddaba haddii lagu eego miqyaaska Rawls dhigay, mabaadii’da qaybinta dakhliga, caqliga caadiga ah iyo diinteena suubban ba, midna u cudur-daari maayo sed-bursiga dawladda dhexe siiso dawladaha hoose ee Berbera iyo Gabiley. Kastamo ayaa ku yaal ma aha sabab maan-gal ah.

Waxa murugo leh, degmooyinka Berbera iyo Gabiley ma haystaan adeegyo bulsho oo dhaama kuwa ka jira degmooyinka kale. Musuqu waa dulmi, dulmiguna waa caddaalad-darro; isla markaana waa hafar loo geystay dadka ku nool degmooyinkaas.

Wasiirka Maaliyadda – Sacad Cali Shire – mar wax laga weydiiyey arrinkaas, shir ka dhacay Hotel Ambassador bishii January 2020, oo ay soo qaban-qaabiyeen machadka ISIR, wuu ka meermeeray bal inuu u qiil-baxsho 10%-ka dheeriga ah ee sharcigu u qoondeeyey dawladaha hoose ee labadaas degmo. Laakiin dhowaan waxa uu wasiir Sacad ku dooday inay tahay sida khayraad dabiici ah oo kale. Goormaa kastam noqday kheyraad dabeeci ah. Subxaanallah!

Laakiin shaamareerku wuxu yahay in sinnaan la’aanta degmooyinka si cad loogu xardhay sharciga. Ilaa hadda ma ogi, mana maqal, dal sidaas yeela. Sinnaan la’aan sharciga lagu suntaa ma aha keliya jawr fal loo geystay mabaadi’da asaasiga ah ee caddaaladda; ee waa ceeb iyo cambaar ku taal damiirka maamul kasta oo sidaas yeela. Digniina u ah maamulada kale ee Soomaalida.

Kefadda iyo miisaanku waa astaanta caddaaladda. Aayado badan oo Quraanka Ilaah ku jira ayaa faraya in miisaanka caddaaladda qiyaastiisa la dheeli-tiro. Insha Allahu khayr.

Wa billaahi Towfiiq

Maxamuud C/llahi Axmed

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.