Maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqay in lasoo afjarey weerarkii Hotel Tawakal ee Kismaayo faahfaahinna ka bixiyey khasaaraha

Maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqay in lasoo afjarey weerarkii Hotel Tawakal ee Kismaayo faahfaahinna ka bixiyey khasaaraha

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe),  ayaa ka hadlay weerarkii kooxda Alshabaab ay ku qaadey Hoteelka Tawakal ee magaalada Kismaayo, isaga oo tacsi u direy ehelada dhamaan dadkii ku dhintey weerarkaasi dadka ku dhaawacmayna u rajeeyay inuu Rabbi u boogga dhayo.

Hotel Takal, Kismaayo

Md. Madoobe ayaa sheegay in weerarka Hoteel Tawakal maanta lagu qaaday uu muujinayo arxan darida kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, waxa uuna ugu baaqay reer Jubbaland in ay u diyaar garoobaan dagaal kooxdaasi ka dhan ah oo loogaga xoreynayo deegaanada Jubbaland kaga sugantahay.

Dhanka kale wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland  Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), ayaa ku dhawaaqay in lasoo afjarey weerarkii maanta lagu qaaday hoteelka Tawalal ee magaalada Kismaayo, kaasi oo ku bilowdey qarax ismiidaamin ah kadibna waxaa gudaha u galay maleeshiyo hubeysan oo saacado ka dhex dagaalamayey.

Md. Yuusuf Dhuumaal oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu sheegay in 3 ka mid maleeshiyadii gudaha u galay hoteelka ay ciidanka amaanka ku guuleysteen in ay dilaan, waxa uuna uu tilmaamay in ciidamada amaanka ay kadib badbaadiyeen dadkii ku jirey gudaha hoteelka.

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weerarka lagu qaadey hoteel Tawakal ee qaraxa ku bilowdey kadibna uu xigey iska hor imaad saacado qaatey uu dhexmarey maleeshiyaad gudaha u galay hoteelka iyo ciidamada amaanka Jubbaland uu dhaliyey dhimashada 9 ruuxa, halka dhaawacuna uu gaarayo 47 oo qaarkood xaaladooda si aad ah looga deyrinayo. Xarakada Alshabaab ee dagaalka klula jirta dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegatey masuuliyadda weerarka hoteel Tawakal ee magaaada Kismaayo, waxa ayna kooxdu sheegtay in hawlgalkaasi ujeedadii laga lahaa ay gaareen, mana jirto faahfaahin intaa ka badan oo ay kooxdu bixisey.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho