Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Md. Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay dadkii rayidka ahaa ee ka barakacey deegaanka Masaajid Cali Gaduud, in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan. Md. Guudlaawe ayaa sheegay in amniga deegaankaasi si buuxda loo sugay, isla markaana laga saaray miinooyiinkii iyo qaraxyadii kooxda Alshabaab deegaanadaasi ku aaseen.

Md. Cali Guudlaawi oo deegaankaasi booqdey maalintii shalay ahayd isagoo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya CabdiFataax Qaasim iyo taliyaha ciidamada xoogga Jen. Odawa, ayaa maanta sheegay in deegaankaasi ciidamadu dadaallo badan ku bixiyeen sidii ay halista miinooyinka iyo qataraha qaraxyada deegaanka uga saari lahaayeen, taasina guul ay ku dhamaatey bulshaduna ay guryahooda si nabad ah ugu soo laaban karaan.
Madaxweynaha ayaa amaaney hawlgalada ciidamada xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka ka wadaan deegaanada maamulkiisa, isagoo xusey in dagaaladii shalay iyo illaa doraad ka dhacey deegaanada Ceel Hareeri iyo Garas Magan ee gobolka Hiiraan jab xoog leh loogu geystay maleeshiyaadka argagixisada Alshabaab lagana xoreeyey deeganadaasi.
Md. Guudlaawe ayaa balanqaadey in hawlgalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Alshabaab uusan joogsan doonin inta laga saarayo deegaanada ay kaga suganyihiin maamulkiisa, waxa uuna sheegay in dhawaan degmada Aadan Yabaal kooxda gacantooda laga bixin doono, waxana xusey in Alshabaab gabalkooda uu dhacey oo bulshada wada aragtey dhibaatada kooxda leedahay.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho