Muqdisho (WDN)- Qoraal kasoo baxey Maareeyaha Guud ee Maamulla iyo Amniga Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Maxamed Saciid Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in ay heleen xog ku saabsan in kooxaha Alshabaab isku dayayaan in ay weeraro kusoo qaadaan garoonka muhiimna ay tahay in laga digtoonaado.

Maareeyaha ayaa ku amrey saraakiisha amniga iyo hawlwadeenada garoonka in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, isla markaana ay dhaqan geliyaan dhamaan habraacyada dhanka amaanka, si argagixisadu aanu u helin fursad ay shacabka Soomaaliyeed ee adeegsanaya garoonka dayaaradaha caalamiga ku dhibaateeyaan.
Digniinta kasoo yeertey maamulka garoonka dayaaradaha Muqdisho ayaa imaanaya kadib markii maalintii shalay ahayd uu hanjabaad hor leh soo direy afhayeenka hawlgalada xarakada Alshabaab Cabdicasiis Abu Muscab, kaasi oo ku hanjabey in ay beegsan doonaan dhamaan xarumaha dawlada iyo inta xulifada la ah isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan xarumahaasi.
Shalay oo ku beegeneyd Bishan Okboober 3, 2022, ayay kooxda Alshabaab fulisey weeraro ismiidaamin ah, oo sadex gawaarida xamuulka oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey lala beegsadey xerada Lama Galaay ee magaalada Baladweyne. Halkaasi oo mas’uuliyiin maamulka Hirshabeelle ka tirsan iyo shacabba ku le’deen. Waxaana weerarkii shalay lagu tiriyaa kii ugu weynaa ee kooxdu fuliso muddo sanado ah.
Hoos ka aqriso bayaanka maareeyaha maamulka iyo amniga garoonka caalamiga ah ee Aden Adde Muqdisho.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply