Maamulka cusub ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo magac la baxay

Muqdishu (WDN) – Guddoonka shirweynaha maamul u samaynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo shir uga socday magaalada Jawhar, ayaa isku raacay magaca maamulka labada gobol. Kaasi oo ay ugu yeedheen Hirshabeelle.

Gudiga ayaa isku raacay in laga wada hadlo goobta lagu wado in ay noqota magaalo madaxda maamul goboleedka cusub. Taasi oo ay  wararku sheegayaan in lagu wado in ay noqoto Jawhar. Astaanta calanka ee maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa iyana la sheegay in la isku raacay.

Is af garan waa xooggan ayaa horey u kala dhex galay  odayo dhaqameedyada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe  iyo Xasan Sheekh oo rabay in maamul u nugul  oo u fududeeya dib u doorashadiisa halkaasi laga dhiso. Odayo dhaqameedyada ayaa ka soo horjeestay arinkaassi, taasi oo dhalisay in uu jiitamo maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

WardheerNews