Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow
  • Talk of the town

Maamulka Cagjar Iyo marin-habaabinta Shacabka

Cagjar ma dantiisuu ka dhex arkay dagaalka Tigreega?

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

RW Abiy Axmed

Inkasta oo sida lagu yaqaano maamullada keligood-taliska ah uu Abiy Axmed isu muujinayo in dagaalka uu ku qaaday xilligan deegaanka Tigreega oo ay hore u kala irdhoobeen, uu yahay mid dhammaan shacabka Itoobiya taageersanyahay, laguna muujiyay dibad-baxyo ay dawladdu soo abaabushay, haddana waxaa cad in cidda keliya ee dagaalkan aadka ula dhacsan, dabadana ka riixaysaa ay tahay qawmiyadda Amxaarada. 

Qawmiyadda Amxaarada oo ay xuduud leeyihiin gobolka Tigreyga, ayaa iyadu ciidan, Malooshiyooyin iyo shacabba si toos ah ugu jirta dagaalka.

Waxaa haddaba aad looga yaabay Kusimaha madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo isagu jiif iyo joogba diiday tan iyo intii uu dagaalku billaabmay, islamarkaana afhayeen aan cidi  dirsan u noqday Abiy Axmed.

Mustafe Cagjar miyaanu Soomaali ahayn?

Nin Oromo oo aan deris nahay islamarkaana aad ugu dhuundaloola xaaladda Itoobiya oo aan maalin dhawayd dariiqa ku kulannay, ayaa i weydiiyay su’aal aan aad ula yaabbay. Wuxuu igu yidhi, Mustafe Cagjar miyaanu Soomaali ahayn?

Markiiba waan fahmay ujeeddada uu Oromo-gaasi ka leeyahay su’aasha anna hadal badan ba uma sii geline, ee su’aal kale ayaan ugu jawaabay. Waxaan idhi, Abiy Axmed miyaanu Oromo ahayn?

Intuu qoslay ayuu yidhi haa waa Oromo laakiin Oromo ma metalo! Haddaba Cagjarna waa sidaas oo kale ayaan anna ugu daray.

Kusime Mustafe Cagjar

Sida ay shacabka Soomaaliyeed ula yaabbanyihiin habdhaqanka Cagjar si la mid ah ayay dadka kalena ula yaabbanyihiin marka laga reebo qawmiyadda Amxaarada oo iyadu aad ula dhacsan, ahna kuwa uu iska gadayo kusime Cagjar.

Iyaddoo aynaan haddaba iska indho-tirayn tacaddiyadii faraha badnaa ee maamulkii TPLF iyo adeegayaashoodii u joogay Deegaanka Soomaalidu ay u geysteen shacabkeena, haddana waa damiir xumo in aan si ka fiirsasho la’aan ah dagaal Amxaarada xagjirka ahi horseed ka tahay ujeeddadiisuna tahay dib u soo celinta Itoobiyadii ay ka baarqabayn jireen awoodduna Addis Ababa ku urursanayd dhex maquurano.

Kuma cusba deegaanka Soomaalida in marba cidda ay talada Addis Ababa gacanta ugu jirtaa u soo magacawdo madaxweyne maqaarsaar ah, balse waxa innagu cusubi hadda waa hadallada Soomaalinimadu ka muuqato ee Kusime Madaweyne Cagjar ku hadaaqo marka uu af Soomaaliga ku hadlayo iyo ficilladiisa is diiddan ee uu ku caan baxay tan iyo intii kursiga lagu fadhiisiyay.

Eebbe naxariistii janno ha ka waraabiyee abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yamyam ayaa isagoo tilmaamaya Soomaalida, heestiisa caanka ah ee Soomaali baan ahay ku sifeeyay ereyada ay ka mid yihiin:

  • Inkastoon sabool ahay 
  • Haddana waan sariigtaa 
  • Sacabbada ma hoorsado
  • …….
  • Niinna kabaha uma sido…

Heestani waxay ka mid tahay murtida aan duugoobin ee Soomaalidu xilligan qaranjabka dugsadaan, niyad-dhis iyo naruurana ka raadiyaan.

Nasiibdarro marka aad fiirisid xaaladda ay shacabka Soomaaliyeed maanta ku suganyihiin meel walba oo ay joogaan waa mid lid ku ah astaamaha uu ku sifaynayo abwaanku Soomaalida, waayo sacabbahoorsiga iyo kaba-qaadnimaduba waa waxyaabaha ay ku caan baxeen Soomaalidu xilligan. 

Sidaasi darteed dhaqdhaqaaq iyo aragti kasta oo ku qotanta xoojinta iyo koruqaadidda hanka Soomaalinimo, waa mid shacbaku si aad ah ugu oomanyihiin, uguna dhagonugulyihiin.

Haddaba tallaabooyin iyo halkudhegyo ay ka muuqato Soomaalinimo oo ay heesta kor ku xusani ka mid tahay oo uu kusimaha madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya guumaysataa judhiiba ku dhawaaqay ayaa soo jiitay, rajana geliyay shacabka deegaanka oo muddo dheer dulmi ba’an lagu hayay. Haseyeeshee rajadaasi waa mid measha ka baxday maanta iyadoo shacabkuna ay candhuuftooda dib-u-liqeen.

Taariikhdu sideedaba waa macallin dadku  ka bartaan waayihii la soo maray, si looga badbaado qaladaadkii hore  loogu halaagmay in mar kale lagu noqdo.

George Bernard Show oo ahaa Mufakir Ayrish ah ayaa laga reebay halkudhegga ah, “ haddii taariikhdu dib isu soo celiso ayna waxyaabo aan la filayni dhacaan, waa sida aanay dadku karti ugu yeelan in ay wax ka bartaan waayo-aragnimada.”

Haddaba muddadii uu kusime madaxweyne Mustafe Cagjar xilka hayay waxaa cad in aanu wax badan ka baran wixii hore deegaanka uga dhacay. Waxaa nasiib darro ah in maanta arrimo badan ay iskaga mid yihiin Cagjar iyo ninkii uu xilka ka dhaxlay ee Cabdi Ilay.

Si kastaba ha ahaatee xilligan sida ay qawmiyadda Oromadu ugu hungawday hoggaanka Abiy Axmed si la mid ah ayay Soomaaliduna uga niyadjabtay maamulka Mustafe Cagjar. Haseyeeshee hal wax ayay Soomaalidu kaga duwantahay Oromada. Soomaalidu ma ahan  dad midaysan oo isku hadaf iyo dan ah. Waa dad danta reerku kala weyntahay danta shacabka.

Sidaadarteed la yaab ma leh in aan aragno dad ay aafada qabiilku ka indho saabtay dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira deegaanka oo tallaabo kasta oo uu qaaddo Cagjar u arka horumar iyo wax-ku-ool.

Mustafe Cagjar inkasta oo uu weli ku hadaaqo Soomaalinimo marka uu af Soomaaliga ku hadlayo, haddana shaki kuma jiro xilligan  in shacabku ogaaday waxa uu yahay iyo dhab ahaan wax uu u taaganyahay.

Waa shakhsi midabbo badan oo sida jirjiroolaha marba meesha uu joogo iyo cidda uu la hadlayo isu ekeysiiya.

Waa nin u naxa Amxaarada iyo Oromada marka ay dhib yari soo gaadho uguna deeqa hantida shacabka Soomaalida ee gaajada iyo harraadka la ildaran, isagoo wax naxariis ahna aan u gelin si kasta oo loo dhibaateeyo, loo laayo ama loo barakiciyo danyarta Soomaalida.

Qofka Axmaarka xagjirka ah ah waxa uu ugu suntahay yahay oo ay ku beerlaxawsadaan hoggaamiye daacad ah oo u qalma inuu Itoobiya oo dhan xukumo, haseyeeshee shacabka deegaanka Soomaalida ee kusimaha madaxweynaha looga dhigay waxay u arkaan shakhsi lagu khasaaray hoggaamintiisa, lumiyayna fursaddii ay Soomaalidu xuquuqdooda ku hanan lahayd, lana bahoobay xagjirka Amxaarada.

Mar kale Amxaarku waxa uu u arkaa hoggaamiye qowl leh oo wuxuu ballanqaaddo oofiya, haseyeeshee Soomaalidu waxay xaqiiqsatay in uu yahay nin aan meel loogu soo hagaag lahayn, beenta iyo runtuna aanay u kala soocnayn oo had iyo jeer ka baxa wax walba oo uu ballanqaaddo.

Waxa uu u muuqdaa nin rumaystay ammaanta iyo beerlaxawsiga ay Amxaaradu baraha bulsgada ku baahiso, xusulduubna ugu jira sidii uu isaga dhaadhicin lahaa qawmiyaddaas hore u gumeysay Soomaalida, haddana rabtaa in ay mar kale awooddu gacantooda gasho si ay islaweynidii iyo amarkutaaglayntii ugu suuragasho.

Waxaan filayaa in aanay jirin damiir xumo ka weyn in maanta hantida shacabka Soomaalidu ka oomanyihiin lagu quudiyo maleeshiyooyinka Amxaarada si magac iyo maamus shakhsiyeed looga samaysto, halkii aad kalsoonida shacabkaaga wax ku noqon lahayd.

Haddaba marka aad fiirsid habdhaqanka silloon ee Ina Cagjar iyo sida uu isugu dhiibay xagjirka Amxaarada, la yaab ma leh in la isweydiiyo horta shaksigani miyaanu Soomaali ahayn?

Maanta xaaladda Deegaanka Soomaalidu waxay maraysaa meel xun. Musuqmaasaqa iyo qabyaaladda maamulka Cajar waxay gaadheen heer aan indhaha laga qarsan karin.  Wasiir walba hantida ummadda ee uu mas’uulka ka yahay siduu doono ayuu tagrifalaa, iyadoo aanay jirin cid kula xisaabtamaysa iyo cid uu ka baqo toona.

Boobka hantida ummadda, qaraabakiilka, cabbudhinta iyo Isla xisaabtan la’aantu waxay ka noqotay maamulka Cagjar wax caadi ah. Hantidii ummaddu waxay noqotoy wax dibaddaha la geystay ama guryo lagu gatay iyo wax qaraabo loo miisay.

Riwaayaddii Ina Iley!

Haddii aan soo koobno Kusimaha madaxweynaha maamulka Jigjiga marka aad u fiirsatid habdhaqankiisa iyo qaabka uu wax u wado, waxa uu u muuqdaa nin jilaya riwaayad uu Cabdi Ilay alifay, shacabkuna hore u daawadeen.

Riwaayaddan oo hadda maraysa qaybaheedii ugu horreeyay ayuu kusimuhu waxyaabo yaryar oo u badan dhinaca muuqaalka masraxa lagu jilayo ka beddelay. 

Riwaayaddan oo ay ka qaybqaadanayaan jilayaal cusub iyo kuwo horeba ayaa masraxa lagu dhigayo waxaa lagu qurxiyay calamo, sawirro iyo halkudhegyo ka duwan kuwii hore, ayna ka muuqato Soomaalinimo.

Waxaa sidoo kale isbedelay cidda  la rabo in farriinta riwaayaddani gudbinaysaa gaadho si loogu raaligeliyo oo ay ugu riyaaqaan.

Riwaayadda oo jiliddeedu si xawli ah hadda ku socoto, ayaanan weli la gaadhin qaybaheeda dambe oo ah kuwo aad u xanuun iyo murugo badan oo ay ku adagtahay in ay shacabku daawadaan haseyeeshee kuwa lagu raaligelinayaa ay aad ugu riyaaqaan sugina kari la’yihiin.

Inkastoo kusimaha ay waxoogaa iskukalsooni la’aan iyo khaladaad yari ka muuqdo, haddana ilaa hadda sidii ay u qornayd si aad ugu dhaw ayuu u jilayaa riwaayadda Ina Ilay.

 Lama saadaalin karo in waqtigu u saamixi doono in uu kusimuhu dhammaystiro riwaayadda iyadoo hadda shacabka deegaanku wadnaha farta ku hayaan,  faataxadana hoosta ka akhrisanayaan in Eebbe ka soo gaadho inta aan jiliinku gaadhin qaybahaas xanuunka iyo murugada badan. 

W.Q. Khalii Cabdiraxmaan X. Xasan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.