Saturday, May 18, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Maalintii Dhagaxtuur: Xasuus aan ka gureynin qalbiyada dadka Soomaaliyeed

W/Q Cabdirisaaq Axmed Xasan 

Waa maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed. Waa maalin ay naftood-huriyaal badan oo Soomaaliyeed u hibeeyeen dhiigooda qaaliga ah difaaca dadkooda iyo raadinta xorriyadda dalkooda. 

Taalada Dhagaxtuur, Muqdisho

Shantii bishii Oktoobar sannadkii 1949-kii ayay dadka Soomaaliyeed isugu soo baxeen magaalooyin muhiimka ah ee dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho, si ay uga dhiidhiyaan in gumeysigii Talyaaniga ee dhibaatada aan la koobi karin u geystey dalkooda mar kale dib loogu soo celiyo Soomaaliya isagoo markaan huwan magaca Qarammada Midoobey. Sidaas waxaa ku tashaday dalalkii reer Yurub ee ku guuleystey dagaalkii 1939-kii ilaa 1945 ee jebiyey xulafadii Jarmalku hoggaaminey ee uu Talyaaniga ku jirey.

Go’aankaas lagama tashan dadka Soomaaliyeed oo dhawaaq dheer ku diidey in gumeysiga Talyaaniga lagu soo celiyo dalkooda. Mudane Cabdullaahi Ciise Maxamuud  (AHU) ayaa sannado door ah ka wedey magaalada New York, halgan aan kalago’ lahayn si ay Soomaaliya uga xorowdo dhammaan gumeysteyaasha. 

Subaxnimadii 5-ta Oktoobar ayay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho isku soo baxeen fagaareyaasha magaalada iyagoo muujinayo sida ay uga soo horjeedaan in dalkooda mar kale loo gacan geliyo gumeysiga Talyaaniga. Maamulkii milateri ee dalka Ingiriiska ee xukumayeyn dhulalka Soomaliyeed idilkood marka laga reebo Jabuuti, ayaa siiyey dadkaas digniin culus oo ku amray iney joojiyaan isu-soobaxa oo ay kala dareeraan. Laakiin Soomaalidii wey diideen taas, waxayna ku adkeysteen iney sii wadayaan bannaanbaxa oo ay dalkooda u hurayaan dhiigooda. Taasina waxay sababtay iney askartii Ingiriisku rasaas ku ridaan dadkii oo ay dilaan ilaa laba qof, tobanaan kalena ay dhaawacaan, kuwaas oo ay toddoba ka mid ahi ku dhinteen isbitaallada magaalada.

Halkaas markii xaalku uu marayo ayay Soomaalidii billaabeen iney dhagaxyo kaga hortagaan ciidammadii gumeysiga Ingiriiska oo ay ku dhawaaqaan “Soomaaliya ha Noolaato.” Waana halkaas meesha uu ka yimid magaca ay maalintaasi ku caanbaxday ee “Hanoolaato” ama Dhagaxtuur. Dadka Soomaaliyeed qaarkood gaar ahaan da’yarta ayaa u maleynaya inuu magaca Dhagaxtuur uu yahay  qof ama nin Soomaaliyeed, laakiin taasi sax maahan ee waa magac loo bixiyey maalintii 5-ta Oktoobar ee ay Soomaalida kala hortageen dhagaxtuurka gumeysigii Ingiriiska. 

Magaalooyinka kale ee dalka ayaa sidoo kale ay dadku iskugu soo baxeen bannaanbaxyo la mid ah sida magaalada Baardheere iyo Doolow oo mid kasta ay askarta Ingiriisku ku dishey laba muwaadin, tiro kalena ay ku dhaawacday. Intaas wixii ka dambeeyey wuxuu ku dhaqaaqay maamulkii milateriga ee gumeysiga Ingiriisku inuu xiro xaafiisyadii ururrada siyaaasaddeed ee Soomaalida, isla markaana la xiro ama loo tarxiilo dhulka baadiyaha ah madaxdii xisbiyadaas iyo aqoonyahankii, culimadii iyo nabadoonnadii, maadaama ay iyagu sabab u ahaayeen dhagaxtuurka iyo bannaanbaxyada. 

Dawladdii kacaanka ee Siyaad Barre way maamuustay maalintaas dhagaxtuur ama Hanoolaato oo waxay u sameysay taallo dheer oo lagu xasuusto oo laga taagey bartamaha magaalada Muqdisho. Guud ahaanna Dhagaxtuur ama Hanoolaato waa taariikh iyo maalin ku xardhan qalbiyada, taariikhda iyo qoraallada shacabka Soomaaliyeed. 

Cabdirisaaq Axmed Xasan 
Cilmi-baadhe iyo taariikh ururiye


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.