Maalinta Calanka Soomaaliyeed

Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Calanka Ummadda
Calanka Ummadda Soomaaliyeed

Maanta oo ay ku beegantahay 12ka Oktoobar waa maalinta Calanka Soomaaliyeed. Inkastoo xilligan ay Soomaalidu kala irdhowday qolo walibana ay calan u gaar ah samaysatay, haddana calanka buluuga ah ee xiddigta cad ee shan geesta ahi dhexda kaga taal waxa uu ahaa welina yahay astaanta midaynta umadda Soomaaliyeed ee ay gumaystayaashii reer Yurub kala qoqobeen. Waxaana hidisay sannadkii 1954tii Alle ha u naxariistee Maxamed Cawale Liibaan.

Haddaba heesta qoloba calankeedu waa cayn oo uu curiyay, kuna luuqyn jiray Ilaah naxariistii janno ha ka waraabiyee Cabdillaahi Qarshe waa mid si cuddoon inoogu sifaynaysa muuqaalka calankeenna iyo rajadii ay ummadda Soomaaliyeed ka qabeen mustalbalkooda xilligii ay hanteen gobanimadooda.

WardheerNews iyadoo haddaba shacabka Soomaaliyeed la qaybsanaysa farxadda maalintan, uguna hambalyaynaysa maalinta calanka ayaa waxay idiin soo gudbinaysaa heestaas qiimaha leh oo qoraal iyo maqal labadaba ah.

Qolobaa calankeedu, waa ceynoo,
Innaga keenu waa, cirkoo kale ee,
Oon caadna lahayn, ee caashaqaye.
Xiddigyahay caddi, waad noo ciidamisee,
Carradaa kaligaa adow curadee
cadceedda sideeda caan noqo ee
Sidii culaygii, ciidad marisee
Alloow haku celin, cawooy dhaha ee.

Halakan ka dhegeyso