Guddida u qaabilsan baarlamaanka Puntland doorashada madaxtimada ee la filayo in ay maalinta Arbacada ee 8da bishan Janaayo ka qabsoonto Puntland, ayaa si rasmi ah u shaaciyay magacyada shakhsiyaadka u sharraxan jagada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Musharrixiinta u tartamaysa jagada madaxweynaha Puntland ee buuxiyay shuruurdihii ay hore guddidaasi ugu xidheen, ayaa ay tiradoodu tahay 11 musharrax halka jagada madaxweyne ku xigeenkana ay u tartami doonaan 10 qof sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha guddida doorashada Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad.
Haddaba musharrixiinta ayaa waxa ay kala yihiin;
Musharrixiinta Jagada Madaxweynaha
- Cali Xaaji Warsame
- Cabdiweli maxamed Cali Gaas
- Cali Cabdulqaadir Yusuf
- Cabdiweli Maxamuud Gurey
- Shire Xaaji Faarax
- Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
- Cabdullaahi Siciid Samanter
- Maxamed Cabdinuur Xirsi
- Cabdidaahir Maxamed Yusuf Yeey
- Cali Cabdi Awaare
- Cadbiraxmaan Maxamed Faroole
Musharrixiinta Jagada Maraweyne ku Xigeenka
- Gen.Cabdisamad Cali Shire
- Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade
- Cabdullaahi Daahir Maxamuud (Afqirac)
- Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)
- Maxamuud Caydiid Dirir
- Daahir Khaliif Maxamuud
- Cabdirisaaq Maxamed Cumar Godane
- Maxamed Xirsi Ducaale
- Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar
- Xuseen Xaaji Xasan
Doorashadan ayaa ah mid ay si aad ah indhaha ugu hayaan shacabka Puntland iyadoo ay islamarkaana ay adagtahay in la sii saadaaliyo cidda ay guushu raaci doonto
Wararka kale ee aan ka helaynno Puntland ayaa sheegaya in ammaanka magaalada caasimadda ah ee Garoowe aad loo adkeeyay iyadoo ay dawladda Puntland dejosay qorshe ay ku sugayso ammaanka int ay hawlaha doorashadu socdaan.
WardheerNews
