Muqdisho (WDN)- Kulan ay maanta wada yeesheen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay heshiis siyaasaddeed laga gaadhay nooca doorashada dalka 2020/2. Heshiis siyaasaddeedka doorasho dadban, ayaa 17-dii bishan waxaa si wada jir ah u gaadhay Dowladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada .

Ansixinta heshiiskaas ayaa noqonaya habraaca sharciga doorashada dadban ee heer Federaal.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir gudoominayey kulanka labada Aqal, ayaa sheegay in ay soo xaadiren 255 xildhibaan. Waxaa u codeeyay 252- xildhibaan, 2-na ay diideen, iyada 1-na uu ka aamusay.
WardheerNews