Laba Ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobay oo lagu Dilay Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacayo

Gaalkacay, Abril 07, 2014 (WDN)- Laba ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay oo la sheegay in ay ajnabi ahaayeen, ayaa lmaanta lagu dilay gagida diyaaraha ee magaalada gaalkacayo. Labadan nin ayaa la sheegayaa in uu askari ka mid ah kuwa garoonkaas ka hawlagaa uu rasaas oodda kaga qaaday ka dib markii ay ka soo dageen diyaaraddii ay la socdeen iyadoo wararka aan helaynaa tibaaxayaan in mid ka mid ah labadaas nin uu isla goobtii ku geeriyooday halka kii kale oo dhaawac ahaan loo geeeyay Isbitaalka gaalkayo uu isna wax yar ka dib geeroiyooday.

Labada nin oo la sheegay in ay u shaqaynayeen xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan maandooriyayaasha iyo dambiyada (UNODC), ayaan ilaa hadda la caddayn dalka ay u dhasheen inkastoo lagu sheegay in ay ahaayeen niman caddaan ah.

Weli lama oga sababta uu askarigani rasaasta ugu furay labada nin.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa waji gabax ku noqon karta maamulka dhawaan talada Puntland la wareegay ee uu madaxweynaha ka yahay Md. Cabdiweli Maxamed Cali oo iyagu dadaal ugu jiray sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka Puntland oo waayadan dambe laga dayrinayay.

WardheerNews