Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Kumannaan arday ah oo ku waxbarasho waayay mushaar la’aan ku dhacday macalimiintooda

Photo: Kaydka Ergo

Ku dhowaad saddex kun oo arday oo dhiganaysay 21 iskuul oo ku yaalla degmada Doolow iyo deegaannada hoos taga ayaa waxbarashada ka haray markii mushaar la’aan ay ku dhacday macalimiintii wax u dhigayay.

Maxamuud Cabdullaahi Siraad oo aabbaha lix carruur ah, waxaa iskuulka deegaanka Laanguley oo hoose iyo dhexe ahaa u dhiganaysay labo carruur ah oo ku jiray fasallada koowaad iyo labaad ee dugsi hoose.

Ninkan oo ka mid ah xoolo-dhaqatada deegaanka ayaa sheegay Iskuulku uu ka xirmay bishii tobnaad ee sanadkii hore markii dadka ay heli waayay mushaarka macalimiinta oo ay ka bixin jireen lacagta ay ku iibiyaan xoolahooda.

“Carruurtii waxna way iska tageen oo waxbarasho ayay doonteen oo waalidkooda u kaxaysteen, waxna wey iska joogaan oo waalidkood ayay xoolo u raacayaan. Marka waxaan rabnaa sidii ay carruurtaa ay wax ku baran la haayeen oo waxbarasho u heli lahaayeen”.

Iskuulkan oo dadka deegaanka ay dhisteen sanadkii 2018, waxaa ilaa ilaa bishii Luulyo ee sanadkii hore mushaarka macalimiinta oo qofkii $100 ahaa bishii ka bixin jirtay hay’adda maxalliga ah ee Hirda oo taageero ka helaysay sanduuqa Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashda carruurta ee UNICEF.

Waxaa saddex bil loo ka dambeysay ay dadka deegaanka isku dayeen in mushaarka macalimiinta oo saddex ahaa bixiyaan si carruurtooda ay waxbarashada u sii wataan. Inkastoo ay ku guuldareysteen sabab la xiriirta in xoolihii ay u gadmi waayeen markii daaq fiican ay heli waayeen roobkii dayrta oo deegaanka ku yaraa awgiis.

Maxamuud oo dhaqda 43 neef oo ari ah iyo labo sac ayaa sheegay in inta uu bixinayay lacagta macalimiinta uu gaday toddobo neef oo ari ah si nolosha iyo waxbarashada uu u debbero, taas oo ah labo jibaar xoolihii uu horay u gadi jiray. Wuxuu sheegay in saameynta daaq xumada iyo biyo yari darteen uu xoolaha suuq u waayay taas oo horseedday in carruurta ay waxbarashada ka haraan.

“Iskuulkaan labo sano ayuu soo shaqeynayay. Markii dambe wuu naga xirmay, wuxuuna nooga xiran yahay dhaqaalo darro awgeed. Dhaqaalo darradaasi oo ah macalimiintii markii hore aan mushaarkooda siin jirnay, markii dambana mushaarkii annagu xoolaleey ayaan iska aheyn waan xamili weynay. Yacnii waqti abaar ha oo kulul ayaa nagu soo aaday, sidaa darteed ayay macalimiintii nooga tageen oo ay nagu dhaheen anagu kuma shaqeyn karno saan”.

Macalimiinta mushaar la’aanta awgeed u hakiyay waxbaristii ay wadeen oo 49 ah ayaa dareemay culeysyo dhaqaale oo dhanka reerahooda ah maaddaama lacagtii iskuullada ka soo geli jirtay ay u ahayd il dhaqaale oo ay nolosha qoysaskooda ku maareyn jireen.

Cabdiwahaab Dhaqane Mataan oo ah maamulaha dugsiga hoose ee deegaanka Cabdi-looxow, sidoo kalana macalin ka ahaa iskuulka ayaa sheegay in hay’adda Hirda ay bishii 9-aad u sheegtay in aysan bixin doonin mushaarka macalimiinta.

Cabdiwahaab ayaa Raadiyo Ergo u tilmaamay inay isku dayeen dedaalo dhowr oo ay waxbarashada iskuulka ku sii socon kartay balse dalab ay dadka deegaanka u gudbiyeen uu noqday mid miro-dhali-waayay, taasna ay sababtay in ay 150 arday ay ku waxbarasho waayaan bishii tobanaad ee 2020.

“Mar uu macalimiin la’aan u xirmay wey iska jirtay marna waqti baa iska jiroo macalimiintii hadaysan mushaar haysa. Bulshadii waan u sheegnay, waxay dhaheen annaga wax tabar ah ma hayno, xoolaha nooma gadmayaan marka macalin hadda soo taagan ma dabbari karnay dhaheen”.

Iskuullada oo bilo kala dambeeyay xirmay ayaa dhaqaalaha qaar heliyeen ilaa dhammaadkii sanadkii hore.  Waxaa sidoo kale jiray macalimiin shaqada sii waday iyagoo aan mushaar qaadan inkastoo markii dambe ay ka tageen.

Adan Cusmaan Maxamed oo ah guddoomiyaha deegaanka Xaaji-bare ayaa sheegay in deegaanka uu ku yaallay iskuul ay dadku dhisteen sanadkii 2017. Labo macalin oo dhigi jiray ayuu xusay inay mushaar la’aan soo food saartay bishii kow iyo tobnaad ee sanadkii 2020.

Iskuulka oo aan hay’ad ku tiirsanayn waxaa dhaqaalaha ku baxa laga qaadi jiray waaliddiinta ardayda, hase yeeshee duruufaha dhaqaale ayaa u saamixi waayay inay lacagta bixiyaan.

“Muddo dhowr sano ah iskuulkaas marna waa la dhigaa marna macalimiintiisa ayaa mushaar loo waayaa. haddaa ugu dambeysay abaaraa carrada ku dhacay, macalimiintii sidaa awgeed xamaalashee iska aadeen, ardaydii qaar magaalooyin ayay iska aadeen intii kale xoolo raacato waaye”.

Tuulada Xaaji-bare oo 45 km Doloow u jirta ayaa iskuulka ku yaalla ahaa labo qol oo ay wax ku dhiganayeen siddeetan carruur ah, waxayna ka mid yihiin kumannaan carruur oo ku waxbarasho waayay mushaar la’aan ku dhacday macalimiinta.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.