
Muqdisho, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Maanta kulan kula qaatey degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool taliye ku-xigeenka ciidanka gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida sarreeye gaas Sakariye Cabdi Khaliif kaasi oo ujeedadiisu ahaa sidii si wada jir ah loogaga hortagi lahaa halista kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.
Labada sarkaal ayaa ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen adkeynta amniga xuduuda labada dal iyo sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen la dagaalanka kooxda Alshabaab oo maalintii Arbacada ahayd weeraro xooggan ku qaadey qeybo ka mid ah gobolka Bakool iyo dowlad deegaanka Soomaalida.
Weerarka kooxda Alshabaab arbacadii ku qaadey gobolka Bakool iyo dowlad deegaanka Soomaalida ayaa dhaliyey khasaaro xooggan oo naf iyo maalba leh, waxaana weerarkaasi uu socdey maalmo dhawr ah, ayadoo maleeshiyaadka Alshabaab markii u horeysay gudaha u galeen Itoobiya.
Dhanka kale dowladda federaalka Soomaaliya ayaa deeq gargaar ah oo isugu jirta raashiin iyo dawo u dirtey deegaanadii ay saameeyeen weerarka kooxda Alshabaab ku qaadey gobolka Bakool.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho