Wednesday, July 03, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Ku soo laabashada Israa’iil ee Midowga Afrika

W/Q ACabdiraxmaan Dhuxul

Gogol-xaadh

Wixii ka dambeeyey1960-kii, markay waddamada Afrika badankood ay xornimada qaateen, Israa’iil waxay bilawday inay xiriir la sameyso waddamada Afrika. Waxayna markiiba safaarado ka furatay 33 waddan oo Afrika kamid ah. Sidey sheegtay Ra’iisal Wasaarihii Israa’iil ee xilligaa Golda Meir sababtay Afrika xiriirkeeda ubilaabeen waxay ahayd in ay codod kaga helaan Qaramada Midoobey. 

Hase, ahaatee waxay wax walba isbadaleen kadib sandkii 1967, markii dagaalkii waddamada Carabta iyo Israa’iil ka dhex qarxay oo la magic baxay dagaalkii lixda maalmood iyo dagaalkii Yummul Kubra. Waddamada Afrika waxay xiriirka u jareen Israa’iil iyagoo ku eedeeyey inay yihiin goomeyste dulmi ku taagan.

1978 ayaa Masar iyo Israa’iil heshiis lamagac baxay Camp David kuwada saxiixdeen Wadanka Mareykanka. Heshiiskaa oo 12 beri si qarsoodiya usocday ayaa ugu dambeyn hirgaley.            Heshiiskaasii wuxuu noqday albaab cusub ey Israa’iil kasoo gasho Afrika, ilaa ey ugu dambeyn xubin korjoogteyn ah ey ka hesho Midawga Afrika oo berigaa la oran jiray OAU.

Israa’iil waxay xubinta korjoogteynta Midawga Afrika weyday 19 sano kahor, kadib markii laga beddelay magacii hore ee Midawga Afrika “OAU”, loona guuray magaca “AU”.  Israa’iil inay weydo xubinnimada Midowga Afrika waxaa qayb libaaxle ka qaatay hoggaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qaddaafi―arrimo la xiriira qadiyadda Falastiin.

Wixii ka dambeeyey 2016-kii ayaa Siyaasadda Arrimaha Dibadda Israa’iil u jihaysatay sida ay u hagaajin lahayd xiriirkeeda waddamada Qaaradda Madow; iyadoo heshiis la gaartay 46 waddan oo Afrika kamid ah.  Waddamada ay xiriikooda soo celisay waxaa kamida Guinea iyo Chad oo xirrikoodu xumaaday sanadihii 1967 iyo 1972.  Sidoo kale waxay heshiis la gaartay wadanka Suudaan, heshiiskaasu wuxuu qayb ka ahaa heshiisyo isdaba jooga oo ay Israa’iil la saxiixatay waddamada Jamaacadda Carabta uu dillaalna ka ahaa Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. 

Alligne Admas, safiirka Israa’iil u fadhiya Addis Ababa, Ethiopia, ayaa dhawaan waraaqda dalbashada kamid ahaanshaha kor joogteynta Midawga Afrika u gudbiyey Gudoomiyaha Midawga Afrika, Mousa Faki mahamat. Sidoo kalena, wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa sheegay inay soo celiyeen xiriirkoodii Midawga Afrika  isagoo bogaadiyey danjirayaashooda Afrika oo qayb ka ahaa hirgelinta hawshaan.

Waxaa kasoo horjeestay go’aankaa Waddamada kala ah: Koonfur Afrika, Namiibiya iyo Aljeeriya, iyagoo gebi ahaanba ku tilmaamay go’aanka mid aan loo dhammayn laguna wargelin dhammaan xubnaha ku midoobay Midawga Afrika, isla markaasna sheegay in la aqbali  karin Israa’iil  ilaa la xalliyo qadiyadda Falastiin.

Maxay Israa’iil u dooneysaa kor joogteynta Midawga Afrika?                                     

Kamid ahaanshada xubinta korjoogteynyta Midowga Afrika waxay ka dhigantahay in Midowga Afrika u aqoonsanyahay Israa’iil inay tahay Dowlad jirta. Dhanka kalena, waxay ka qaybgeli doontaa dhammaan shirarka ay yeelan doonaan Midowga Afrika taas oo fursad u siin doonta inay xog ogaal u noqoto xaaladaha Afrika.

Israa’iil kamid ahaanshaheeda Midowga Afrika waxay codad badan  kaga heli doontaa Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka, iyadoo haatan ay jirto cambaarayn badan oo loo soo jeediyey Israa’iil lana xiriirta xasuuqyada aadaminimo ee ay u geysatay shacabka falastiin.

Suuqaa Afrika waa mid kamida suuqyada ugu fiican oo loo iibgeeyo badeecooyinka caalamiga ah, waxaa ku nool Afrika bulsho tiradoodu gaarsyso 1.3 bilyan taas oo jaanis u siin doonta Israa’iil inay suuq u hesho wax soosaarkeeda.

Soomaliya halkay ka taagantahay xiriirka Israa’iil

Majiro xiriir Dibloomaasiyadeed oo tariikhda abid dhexmaray waddamada Soomaaliya iyo Israa’iil; marar badan ayey Israa’iil isku taxalujisay inay xiriir la samayso Soomaaliya, laakiin ma suurta galin.                    2016 ayuu Netanyaha si qarsoodiya ula kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo u sheegay inay kala shaqayn doonaan la-dagaallanka argagixisada, ha se ahaatee ma guuleysan wada-hadalakaasi.

Xukuumadda hadda joogta Soomaaliya waxaa muuqata inay si cad uga soo horjeeddo dhaqdhaqaaqyada Israaiil  ka waddo Afrika iyo Beriga Dhex.  Dhawaan ayey Wasaaraada Arrimaha Dibadda Soomaaliya shaqada ka cayrisay Diblomaasi sare oo ka tirsanaa Wasaaradda oo lagu magacaabo Cabdullahi  Dool kadib markuu bartiisa Twitter-ka ku tageeray wadanka Israa’iil.

Waxyaabaha hadda ugu weyn ee suurtagelin karin heshiis dhexmara Soomaaliya iyo Israa’iil waxaa kamida xiriirka xooggan ee Soomaaliya la leedahay Dawladdaha Qatar iyo Turkiga.            

 Doorashooyinka Somaaliya ka dhici doonta dhawaan haddii uu soo baxo Madaxwayne xiriir dhow la leh Imaaraatka waxaa suurtagal ah in heshiisyo u furmaan Israa’iil iyo Soomaaliya markii ugu horreysay taariikhda, ha se ahaatee shacabka Soomaaliyeed ayaan marnaba aqbali doonin heshii dhexmara Soomaaliya iyo Israa’iil.

Dhanka kale, maamulka Somaliland ayaa muuqata inay diyaar u yihiin inay heshiis la gaaraan waddanka Israa’iil. Barlamaanka Somaliland ayaa Dowladooda ugu baaqay dhawaan inay xiriir la samayso Israa’iil , si ay ugu hesho ictiraaf wadankaa.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Israa’iill Eli Cohen ayaa sheegay in laba waddan oo geeska Afrika kamida ay heshiis kala saxiixan donaan isagoo magacyadooda aaan xusin.  Warar aan xaqiiqadooda la hubin ayaa sheegaya inay Somaliland labadaa wadan mida kamida ay tahay.

Cabdiraxmaan Dhuxul
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.