Muqdisho, Abril 08, 2013 (WDN)- Kooxda al-Shabaab, ayaa maanta meel fagaara ah gudaha degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan ku toogtay haweenay da’deeda 25 jir ah lagu sheegay, oo ay ku eedeeyeen falal basaasnimo.
Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, ayaa ku eedeeyay gabadhaasi ay maanta fagaaraha Buula-burde ku toogteen inay aheyd basaas u shaqeyneysay dowladda Soomaaliya, sida ay warka u dhigeen.
Dadweyne fara badan, ayaa la isugu yeeray inay u soo daaawasho tagaan dilka gabashaasi ay ku toogteen maanta Buula-burde, kooxda xagjirka diineed lagu tilmaamo ee al-Shabaab.
“Indhaha, ayaa laga xiray, waxa loo galiyay dhar adag, waxaana dhowr xabadood ku ridey maleeshiyaad ka tirsan Shabab”, sidaasi waxaa WDN u sheegey goob jooge ka mid ahaa dadkii ku sugnaa fagaarihii gabadhaas lagu dilay.
Shabaab, ma ahan markii ugu horeysay ee ay si bareer ah u dilaan dad ay dambiyo kala gaddisan ku eedeeyeen.
Dhanka kale ciidamada ammaanka ee magaalada Kismaayo, ayaa qabtay laba haween ah, kuwaas oo la tuhmaayo inay doonayeen inay weeraro ka geystaan gudaha magaalada Kismaayo, gaar ahaan xarunta shirka maamul u sameynta Jubbooyinka uu ka soconayo ee Kismaayo.
Saraakiisha ammaanka ee Kismaayo, ayaa sheegay in mid ka mid ah haweenkaasi, ay wadday waxyaabaha qarxa, ayna hadda baaritaanno ku sameynayaan labadaasi haween ee ay xireen.
Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews.com
Muqdisho, Soomaaliya
Leave a Reply