Konton Sanno oo Macallinimo: Madal Kulmisay Macallin Siciid Saalax iyo Hobolladii Iftin

“Dadku marka ay maqlaan konton sanno ayuu macallin ahaa, waxa ay is weydiiyaan tolow immisuu jiraa, laakiin dhowr iyo toban jir baan ahaa markaan macallinimada billaabay, mana ihi dadka da’da diida waayo  da’da waxaa diida qofkii ku khasaara anigu kuma khasaarin.” Bare Siciid Saalax Axmed

IMG_7630 (2)
Soo bandhigayaashii barnaamijka

Barnaamij aad u xiisa badnaa oo lagu maamusayay kaalintii dhinaca waxbarashada iyo kobcinta suugaanta Soomaalida  ee macllin Siciid Saalax Axmed, ayaa bishan Okoobar 26dii lagu qabtay magaalada London.

Barnaamijkan oo qayb ka ahaa bandhigga toddobaadkka Soomaalida oo sannad walba ka dhaca magaalada London, ayaa waxaa ay madashaasi sidoo kale kulmisay macallin Siciid saalax iyo qaar ka mid ah ardaydiisii, dabcan waa fannaaniintii kooxdii Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta.

Z15 (1)
Bare Siciid, Zuhur iyo Boodhari

Barnaamijka oo ay daahfureen Boodhari Warsame iyo Suhuur Xasan Axmed oo iyagu ka mid ahaa da’ yarta uu Macallin Siciid Saalax ku barbaariyay qurbaha siiba dhinaca afka iyo dhaqanka Soomaalida, ayaa uu siciid Saalax kaga warramay socdaalkii geeddigii dheeraa ee noloshiisa, socdaalkiisii macallinimo oo sida uu sheegay ka billaabmay fasal madhan, waxaanu goobtaas ka tiriyay maanso aad u xiisa badnayd oo uu kaga warramayay arrintaas.

Madashan oo Bare sare, barbaariye, hal-abuur, qoraa, soo saare masrax, filin sameeye, faafiye af-Soomaali oo geeddi socodkiisa ” konton guura macallinimo iyo kaalintiisa Suugaanta” loogu dabaaldegayay, ayaa ay faannaaniintii Iftin  ay ku soo bandhigeen murtidii iyo heesihii waayo-waayo iyo barisamaadkii ay ku caan baxeen ee ka soo maaxday maskaxda  Abwaan, Macallin Siciid Saalax Axmed.

Fannaaniinta barnaamijka ka qayb qaatay oo isaga kala yimid dunida dacalladeeda, ayaa waxay kala ahayeen:-

1- Khaliif Cusmaan Cabdi (Sayid Khaliifa)
2- Xabiiba Cabdi Maxamuud (Xabiiba Wanaag)
3- Cali Maxamed Kuusow( Cali Atoore)
4- Faarax Rooble Aadan (Faarax Beerrey)
5- Saalax Axmed (Saalax Xariiri)
5- Caddey Cali Axmed
6- Cabdiwahaab Yuusuf Maxamed

Waxaa iyagana la filayay in ay barnaamijka ka qayb qaataan haseyeeshee ay suurtogeli weyday :-

1-    Bashiir Cali Xuseen
2-    Caasha Kaahiye Guuleed
3-    Maryan Jambaluul

Z20 (1)Barnaamij faneedka ay soo bandhigeen kooxda Iftin oo isugu jiray heeso iyo murti kale, ayaa ahaa mid dadweynihii goobta ku sugnaa ay aad ula dhaceen.

Fannaanka codka gaarka ah leh ee Khaliif Cusmaan Cabdi (Sayid khaliif) ayaa goobta ka qaaday heesihiisii uu ku caan baxay. Waxaa iyaguna sidoo kale goobta ka qaadday heeso dareenkii dadkii madasha fadhiyay dhaqaajiyay fannaaniin ka mida ahaa gabdhihii kooxda Iftin.

Fannaanada Caddeey Cali Axmed ayaa iyaduna goobta ka qaadday heesta Umuliso, taasoo ka warramaysa kaalinta muhiimka ah ee umulisadu kaga jirto bulshada.

IMG_7496Gabagabadii barnaamijka, ayaa Bare Siciid saalax lagu guddoonsiiyay abaal marin loogu aqoonsaday hawshii ballaadhnayd ee uu u soo qabtay ummadda Soomaaliyeed muddadii dheerayd ee uu ku hawlanaa waxbarshada iyo barbaaarinta ubadka soomaaliyeed gudo iyo dibadba.

Bare Siciid Saalax Axmed oo ay WardheerNews kula kulantay goobta ka dib markii uu barnaamijku soo dhammaaday, ayaa run ahaantii ay wajigiisa ka muuqatay dareen farxadeed isagoo islamarkaana uga mahadceliyay intii soo qabanqaabisay barnaamijka iyo guud ahaanba dadkii ka soo qaybgalay.

Khaliil Cabdiraxmaan xasan
Email: khaliilha484@hotmail.com
WardheerNews
London.

Leave a Reply

Your email address will not be published.