Kismaayo (WDN)_ Waxaa ka socda magaalada Kismayo u diyaargarow shir ay ku kulmayaan Dowlad Gobolleedyada Jubaland, Puntland, Mucaaradka Muqdisho, iyo ururada bulshada. Shirkaasi oo lagaga tashanayo xaaladda siyaasaddeed ee Soomaaliya, iyo sidii loo hali lahaa nidaam doorasho oo ka dhaca dalka marka uu dhamanado muddo xileedka xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh (peaceful transition of power).
Qorshaha shirka (agenda), oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaysa in shirku socon doona laba maalmood, iyada oo xoogga la saarayo arimaha doorashada, dastuurka iyo qorshe lagu sameeyo dowlad Wadaag (Government of National unity- GNU)
Waxa jirta in degenaanshiyi la’aanta siyaasaddeed ee ka jirta Soomaaliya ay gashay xili xasaasi ah, iyada o oo aanu ilaa hadda jirin heshiis guud oo laga gaadhay nidaamka doorasho ee lagu hagi doona dalka sandka 2026.
Dowlad Gobolleedyada Jubaland, Puntland iyo Mucaaradka ayaa ka soo horjeeda qorshaha xukuumadda Madxweyen Xasan Sheekh, ee ah in ay dalka ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah, taasi oo ay ku sheegeen in aysan suurta gal aheyn, marka la eego marxalada amni, iyo wada tashi loo dhan yahay.
Wali ma jiro nidaam la isla waafaqsan yahay, iyada oo hadda dhamaan indhuhu ku soo jeedeaan, shirka Kismaayo go’’aamada ka soo baxa in uu horseedo heshiis iyo nidaam doorasho oo la isku af garto.
WardheerNews
