Assalaamu Calaykum Warraxmatullahi Wabarakaatu
Sida aad la socotaan Marxaladda aan maanta ku sugannahay, ma’ahan mid sahlan. Inkasta oo sanadihii ugu dambeeyey Qaranku uu soo kabsanayey, hadana weli lama gaarin Himiladii aan Hiigsaneynay. Sida aad la socotaan, weli waxaa jira marxalado adag oo ina horyaala oo ay ka mid yihiin:
- Dhulka kooban ee weli ku haray Gacanta Argagixisada;
- Cadaaladda iyo Garsoorka oo aan gaarin, heerkii laga rabay;
- Barnaamijkii Dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka, oo aan weli si buuxda u hirgelin;
- Adeegga Bulshada oo bilaw ah, welina aan gaarin Gobolada Dalka oo dhan;
- Dawlad Wanaagii iyo Tayadii Hay’adaha Dowladda oo hooseeya;
Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin.Sida aad la socotaan, waxaa ina horyaal Hawlo Baaxad weyn leh, si looga gudbo Marxaladda aan horay u xusay, Xildhibaanada Sharafta leh waxaan ka codsanayaa, in ay i siiyaan codkooda kalsoonida, si hawlahaas aan u dardar gelino mudada yar ee ka hartay wakhtigii loo cayimay ee ku xusan Hiigsiga 2016ka .
Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin.Markaad i siisaan kalsoonida, waxaan sida ugu dhaqsiyada badan u soo dhisidoonaa Xukuumada, una soo gudbindoonaa Golaha Shacabka Xuukuumadda iyo Barnaamijkii ay ku shaqeyn laheyd.
Barnaamijka xukuumadda aan soo dhisidoono wuxuu noqondoonaa mid ku salaysan Nidaamka Dawlad Wanaagga, isla xisaabtan,hufnaan iyo Dhowrista ku Dhaqanka Sharciga.
Waxqabadka ugu horeeya ee aan mudnaanta siin doono waxaa ka mid ah:
- Xasiloonida Siyaasadda
- Dhameystirka dib-u-heshiisiinta
- Fulinta Hiigsiga 2016ka
- Adkeynta Aminga
- Horumarinta Caddaaladda
- Kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dakhliga Dawlaada
- Maamul Wanaagga Maaliyadda
- La-dagaalanka musuqmaasuqa
- Kordhinta adeegga bulshada
- Dadar-galinta Dawlad Wanaagga
- Iyo, dib-u-dhisidda iyo dib-u-habeynta Hay’adaha Dawladda
Halkan ka akhri: Khudbadii RW Cumar Cabdirashiid oo dhan