Jigjiga, Wararka aan ka helayno magaalada Jigjiga ee caasimadda ismaamulka Soomaalida Itoobiya gumaysato ayaa sheegaya in maanta xabsiga magaalada Jigjiga laga sii daayay Khadar Jigre oo muddo laba toddobaad gaadhaysa ku jiray xabsigaas.
Warka ayaa waxa uu intaas ku darayaa in Axmednuur Saahid oo mar lawada xidhay Khadar Jigre uu isagu weli xabsiga ku jiro.
Arrintan ayaa la sheegayaa in ay ka cadhaysiisay beesha uu ka soo jeedo Axmednuur taasoo maanta mudahaaraad ay ku codsanayaan in la siidayo maxbuuskaas ka dhigay magaalada Jigjiga.
Ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay mudaharaadkan maanta ka aloosmay magaalada jigjiga.
Khadar iyo Axmednuur ayaa lagu soo eedeeyay in ay abuurayeen falal dhan ka ah amniga deegaanka.
Ilaa hadda ma cadda sababta laba qof oo dambi isku mid ah loo haysatay midna loo sii daayay midna xabsiga loogu reebay.
Dibadbaxyada lagaga soo horjeedo maamulka Mustafe Cagjar ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sii fidayay qaar ka mid gobollada deegaanka Soomaalida, kuwaas oo ay dadku aad uga cadhaysnaayeen natiijadii ka soo baxday shirweynihii xisbiga haya talada deegaanka ee dhawaan lagu soo gunaanaday magaalada Jigjiga.
Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa isasootaraya saluugga ay shacabka deegaanku ka muujinayaan maamulka Mustafe Cagjar oo bishii Ogost ee sannadkii aan soo dhaafnay ay maamulka Addis Ababa ee ay Oramdu horseedka ka tahay u dhiibeen xilka madaxweynaha deegaanka Soomaalida.
Madaxweyne Cagjar ayaa dhawaan soosaaray amar uu ku xakamaynayo waxa uu ugu yeedhay dibadbaxyada iyo shirarka lagu soo abaabulo qaab beelaysan iyadoo hadda xaalku u muuqdo in aanay shacabku dheg jalaq u siin amarkaas.
WardheerNews, Jigjiga
