Kenya oo dib u dhigtay xiritaanka xerada Dhadhaab

Nayrobi, Kenya (WDN) War ka soo baxay dowladda Kenya bishan Noofember 15 -dii, ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay xiritaanka xerada qaxootiga ee Dhadhaab muddo lix bliood ah, taas oo ku aadan bisha May ee 2017.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay in ay xirayso xerada qaxootiga ee Dhadhaab bishan Noofember 30-keeda, arintaasi oo ay dhamaan beesha caalamku cambaareeyeen. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR iyo hay’addaha kaleeto ee u doodda xuquulqul Insaanka ayaa ku tilmaamay go’aankaasi hore ee Kenya in uu yahay mid aan waafaqsanayn qawaaniinta caalamiga ee u yaala qaxooitiga.

dadaab
Xerada Dhadhaab

Dad lagu qiyaasay ilaa 25,000 ayaa la sheegay in ay dib ugu noqdeen Soomaaliya, kuwaasi oo ku tilmaamay xaaladdooda nolol’eed mid aad u liidata oo ka xun tii ay ku heysteen xerada Dhadhaab.

Maamul goboleedka Jubbaland oo ah goobta ugu badan ee dadka qaxootiga Dhadhaab dib loogu celinayo, ayaa ka deyriyay xaaladda la soo deristay qaxootigaasi la soo celinayo, iyaga oo sheegay in aanay jirin qorshe si joogta ah  loogu caawin karo, islamarkaasna sheegay in qaxootiga soo noqday ay noloshoodu tahay mid aan liidata.

Xerada Dhadhaab oo la furay sanadihii horaantii 90 kii, ayaa ah xerroyinka qaxootiga addunka kuwa ugu waaweyn, iyada oo hoy u ah dad lagu qadaray 330,000 oo qaxooti.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.