Kala sooca faa’iido doonka iyo masuul ka noqoshada xafiisyada Dowladda

Kala sooca faa’iido doonka iyo masuul ka noqoshada xafiisyada Dowladda

W/Q Abdirahman Aatoh

Kalsoonida shacabku waa awood weyn oo aysan ka maarmi karin dowlad/nidaam meel ka jira. Dowladduna waa awoodda shacabka. Dowaddu waxay ku gor gortami kartaa awood aan lagu dhiiran karin marka shacabkeedu ku kalsoon yihiin nidaamkeeda caddaaladda.

Waxaan faalladan hoose ku hoga-tusaalaynayaa nidaamyada dowladdeed ee Soomaaliya, heer walba; in ay fahmaan sida ay shacabku u lumiyaan kalsoonida nidaamka dowliga ah iyo hadii kalsoonidaasi lunto khataraha ku xeendaaban. Waxaan kaloo sawir ka bixin doonaa kalsoonida shacabka iyo sida ay awood u siiso barnaamijyada siyaasaddeed ee hoggaamiyayaasha ugana qayb-qaadato waa kalsoonida’e koboca dhaqaalaha.

Si fudud, waxaan soo qaadanayaa caadadan aan hoos ku sharixi doono. Waa mid ka mid ah caadooyin dhawr ah oo lumiya kalsoonida shacabka, waxaa ka mid ah kuwa rabshada abuuri kara ee ay dowladduhu u gacan togaaleeyaan/eexdaan, marka ay shartooda ka cabsadaan, iyagoo dowladduhu u qaba in ay kasbanayaan awood ka mid ah dadweynihii ay xukumayeen.

Xafiisyada dowladda ka dhexeeya iyo danta shaqsiyaadka

“Haddii ujeedada uu qof u doonayo inuu qabto masuuliyadda hay’ad ummadda ka dhexaysa ay tahay in masuulkaasi uu awood u helo fulinta danihiisa shakhsiga ah, sida:

-Hirgelinta mashaariic isaga u gaar ah,
– Inuu ganacsiyadiisa madaxa-bannaan u helo qandaraasyo uu dhaqaale xoog leh ka faa’iido
– Inuu shaatiga dowliga ah ku yeesho sumcad uu u adeegsado danihiisa
– Inuu eheladiisa/asxaabtiisa u raadiyo fursado noocaas ah
– Inuu awooddiisa kula gor-gortamo masuuliyiin kale oo jaalkiisa ah si ay u siiyaan fursado uu dhaqaale ku faa’iidi karo, ama uu isagu fursado noocaas ah u bixiyo si aan daah-furnayn.

Arimahan ayaa ah khatarta aan cidina dafiri karin ee burburisa nidaamyada isla markaasna fashilisa hoggaamiyaasha, uga sarreeya masuuliyadda ama kuwa kale ee shaqada uga hooseeyay ee loo hanweynaa”

Nasiib darro ubadkoodii ayaa khiyaanadan u qaba awood dheeri ah oo waalidkood Eebbe ku mannaystay. Waxay kaga dhex faaloodaan fagaarayaasha lagu qaxweeyo. “War ugu yaraan masuuliyiintaasi may ubadkooda oo ah mustaqablkii dalka fahamsiiyaan xataa in aysan ficilladoodu sax ahayn, si aysan uga dhaxlin”

Marka awood iyo sharaf laga dhex doon doono ceebtan oo kale;

  • Dadku waxay ka niyad jabaan nidaamka, marka dadweynuhu nidaanka ka niyad jabaanna waxaa la wada og yahay in awoodda dowladdu diciifayso, sarraynta sharcigu meesha ka baxayso, dhaqaaluhu burburayo isla markaasna su’aalo badani dul hogganayaan meteleedda masuuliyiinta kala duwan, heer walba. Jaah-wareer, Is-eedayn, iska daba-wareeg iyo quus!
  • Waxaa kaloo markaas sahlanaata in cid ka baxsan nidaamka fara-geliyo shacabka oo looga dhex adeegto dano kala duwan; magacaad rabtid u bixi, sababtoo ah kalsoonida ay dadweynuhu ku qabeen nidaamkooda ayaa sii lumaysa, marka dambena meeshaba waa uu ka baxaa nidaamkuba. Shacabka iyo hoggaamiyayaasha Soomaalidu malahayga khibrad way u leeyihiin calaamaddan, welise waxay u arkaan hab sax ah oo lagu kala cad goosto. Wayna is eedaynayaan!

Anigu shakhsiyan uma arko sida ay dowladdi ku hanan karto awoodda iyo kalsoonida inta badan shacabkeeda tahay in ay kuraas ugu eexato, iyo in awoodda iyo dhaqaalaha wadanka u gacan togaaleeyso hadba ciddii ay dowladdu filayso in ay rabsho ku kicin karaan, si loogu maslaxo loogana hortago rabashadaas. Tani waa calaamad iyo tijaabo cad oo muujinaysa natiijada kalsooni darro ay dowladi mar horeba kala kulantay shacabkeeda.

Haddii shacabku ay nidaamkooda ku kalsoon yihiin waxay iyaga oo nolol maalmeed-kooda cayrsanaya dowladda ka caawiyaan in aysan dhibaato iyo faragelinni uga iman bannaanka, waxay ku garab istaagi karaan nabad-gelyada iyo difaaca, waxay kaloo ka caawin karaan si fudud in awoodda dhaqaalaha kor loo qaado. Haddii kalsooni jirto, shacabku waxay u dhega-nugul yihiin dowladda, faa’iidaduna waa middaas.

Waxay ila tahay in siyaabahan hoose uu nidaam ku hannan karo kalsoonida dadweynaha;

1) In dowladdu dhisto hannaan aan lagu xaman musuq iyo eex isla markaasna daah-furan, kaas oo qof walba ay kartidiisa iyo aqoontiisu wax u goyn karto. Hannaan aan dulqaad u lahayn iska daa wax kale’e in aan daqiiqad wakhti shaqo ah la musuqi karin.

Caddaaladan waxaa ina fartay Diinteena Islaamka, waxaase ku liibaanay reer galbeedka!

2) Daah-furnaan aan afka laga oran balse fulin ah – micnaha in shacabku awood buuxda u leeyihiin helidda xogta hay’ad walba oo dowladdeed iyo tan guud ee dalka iyada oo barax la’. Yacnii daah-furnaan aan boos uga bannaanayn kuwa aan runta aqoon.

F.G – Waa jiri karaa war yar oo dhif iyo naadir ah oo maslaxad umaddeed iyo mid amni loo qarin karo, waxaana jira shuruuc xadeeysa wararkaas.

3) In la helo Garsoor caadil ah oo awoodiisu gaarsiisan tahay inuu qof walba oo awood sare ka haya dowladda ku ciqaabi karo hadii ay ka been sheegaan ficilladooda iyo masuuliyaddooda. Garsoor aan wax dulqaad ah u lahayn xad-gudubyada ka dhanka bini’damka isla markaasna wax dullaysan oo ceebaysan ka dhigi kara tuugga iyo kuwa xoolaha ummada lunsada kuna faana.

Qodobadani waa shaqo u taal keliya shacab fahamsan in ay iyagu dowladda leeyihiin ogna in aysan dowladdu iyaga lahayn. Yacnii shacab ku baraarugsan awooddooda. Sidoo kale, waa shaqo fudud oo u taal hoggaamiye doonaya in uusan la daalaa dhicin khataraha ka dhasha kalsooni darro ay shacabku ka qabaan nidaamka uu madaxda ka yahay, waa hadii uu doonayo inuu ku raaxaysto awoodda iyo kalsoonida shacabkiisa mudada cayiman uu xafiiska joogo.

Afeef

Waxaan garawsanahay in wax badani isku qoofalan yihiin. Waxaanse qabaa in loo baahan yahay isbedel & baraarug bulsho iyo hoggaan ka aragti duwan sida waaqica hadda jira looga fekerayo.Muhiimadda fog ee qormadan waa in bulshooyinka Soomaaliyeed ee mustaqbalka sawirtaan sida uu xilligan wadanku uga arradan yahay wanaagga maamulka iyo caddaaladda.

Abdirahman Aatoh
Email:aatohm@gmail.com

—————–
Cabdiraxmaan waa suxufi tobankii sano ee u dambeeyay ku hawlana sheekooyinka arrimaha bini’dannimada, xuquuqda Aadanaha iyo siyaasadda. Xilligan waa xubin ka mid ah ah golaha agaasinka (Board) dallada daneeyayaasha aan dowliga ahayn ee Puntland (PUNSAA)

Leave a Reply

Your email address will not be published.